Sheikh Cabdi raxiim Sheikh Cusman Sheikh Xasan Macalin oo ah caalim boqol sano jir ah, kana mida Culumaa’udiinka Ahlusunna Wal Jameeca dariiqada axmadiyada degmada basra

Sheikh Cabdi raxiim Sheikh Cusman Sheikh Xasan Macalin oo ah caalim boqol sano jir ah, kana mida Culumaa'udiinka Ahlusunna Wal Jameeca

Sheikh Cabdi raxiim Sheikh Cusman Sheikh Xasan Macalin oo ah caalim boqol sano jir ah, kana mida Culumaa'udiinka Ahlusunna Wal Jameeca

macalim nuur maxamad siyaad caalim murabbi ah

jjjjjjjjjjjjjjjjjjjjjjjjjjjjlllllllllllllllkpppppppppppppppppppp

caalim3

shiikh abuukar xasan maalin waa caalim diinta islamka ukhidmeeya oo masajidyada iyo idaacadaha mogdisho ka aqriya funuunta islaamka . radhiyallaahu canhu

4

banadir062

TAARIIKHDA SOMALIYA

SAL U DHIGIDDI  DIBIN DAABYADA UMADDA. 

   1960-kii 

Halkaas waxaa ka dhashay 1960 dowlad ay hormood ka tahay SYL oo is huwan, oo caloosheeda ku wadata wax yaabihii qarxin lahaa  oo dhan.

Sidii gumaystaha ugu talo galayba, dowladdii SYL waxay la kulantay marxalad adag, iyagii ayeyna gumeesatadu kala furfurtay. Dadwaynihii taageersanaa  SYL waxaa la isaga horkeenay qabiil qabiil. Is qab qabsi xukun doonimo ku dhisan ayaa ka dhex dhashay. Halkaas SYL waxay ku waayeen kalsoonidii taageerayaal badan iyo gaar ahaan taageeradii culumaa’udiinka oo ahaa:-

·              Kuwii waqtigii Sh. C/qaadir Sh. Sakhaawadiin iyo ka horba horumuudka u ahaa dhaqdhaqaaqa gumeysi diidka ahaa ee Soomaaliya;

·              Xarigga isku xirayey dadweynihii halgamayey ee Soomaaliyeed iyo madaxdii SYL

·              Waacidiintii iyo jihayntii shacabkii halgamayey. 

In kastoo SYL is huwanayd, haddane waxaa ummadda Soomaaliyeed la socotaa in hoggaamintii ugu sarraysay ay gacanta ku dhigeen kuwii Talyaaniga camiliinta u ahaa; kuwaasoo midab Soomaaliyeed leh, sheeganayeyna inay muslimiin yihiin, isla markaana fulinaya barnaamijyadii gumeysatadu sida tooska ah u fulin waayeen.

Maxay samaysay dowladdaas is huwan oo garabka Talyaanigu ku xoogga badnaa:-

  1. Waxay moora duug ku sameeyeen xaqiraad iyo jawr-fal taariikhdii iyo mudnaantii halgamayaasha Soomaaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaan mudnaantii culumaa’uddiinka Ahlu-sunna Wal Jamaaca, ee muddada 1300-ka sano ka badan hormoodka u ahayd hoggaaminta iyo halganka ummadda.
    2.          Waxay burburin gaar ah u gaysteen caqiidada suuban ee diinta Islaamka iyagoo:-

     

·          Abuurey dalkana soo geliyey bidcada Waahabiyada ah; una dhiibay xilal sar-sare ee wasaaradda garsoorka iyo caddaaladda si barnaamijkooda bidcaynta dalka u hirgalo.

·          Diiday in Dastuurka dalku noqdo kitaabka Illaahay oo ah kii  gumeysatada looga adkaaday, kuna beddelay dastuurkii gumeysatada Kirishtada.

·          Saaxada ka saaray luqaddii Qur’aanka Kariimka ee Carabiga kuna beddelay luqaddii gumeysatada iyo kuwo kale; isla markaana dhulka ka hoos geliyey goobihii iyo barnaamijyadii diinteenna muqaddaska ah lagu horumarinayey.

Matalan ardayga dugsiga dhexe ka baxa ayaa agtooda ka tixgelin badnaa caalimka 50-ka sano iyo ka badan dadka barayey culuumta kala duwan ee diinta Islaamka.

·          Adeegsaday xeelad kasta oo laysaga horkeeni karo culumaa’uddiinka, si ay u burburiyaan quwaddii diineed ee soo jireenka ahayd, iyagoo adeegsanaya qaacidadii macallimiintooda gumeystada   ee qaybi oo xukun. 

3.         Waxay dhiirri-galiyeen dhaqan  xumada bulshada iyagoo  horumariyey goobihii iyo barnaamijyadii fisqiga.

4.         Waxaa ku hoos macaluulay dalkaan barwaaqada ah dadkii Soomaaliyeed ee soo halgamay  ee ku taamayey in mar uun la dhirgi doono.

5.         Waxaa dhaqan aan lala yaabin balse lagu faano noqotay caddalad darrada, eexda, laaluushka, qabiilaysiga iwm.

 6.      Waxaa cirka isku shareertay nabadgelyadii muwadiniinta     miyiga iyo magaalada.

7.       Soomaaliya waxay noqotay meel aduunka looga yaqaan QABRIGII MUCAAWINADA.

 Arrimahaas iyo kuwo ka sii murugo badan ayay dadka, dalka iyo diinta Islaamka iyo Ehelkeeda ku sugnaayeen muddo dheer.  Jowr falkaan wuxuu noqday sababtii horseeday dhalashadii xukunkii militari ee dalka qabsaday 1969kii

 

 

 

saxaafaddee la’aaminikaraa???

Saxaafadda Internetka Qaarkood oo Qadaf ka Qortay Culumada Ahlusunna ee Baar Dheere oo Weli ka Tiiraanyeysan Gowracii tiro Wadaada ah { 01 Apr 2009}
waxaa la daabacay Wed 01 Apr 2009 01: 45: 03
Khawaarijta duulaanka ah ayaa waxaa soo foodsaaray cabsi ay ka qabaan gadoodka shacabka Soomaaliyeed oo isa soo taraya maalmahan. Taasi ayaa loo nisbeynayaa iska caabinta culumada Ahlusunna oo degaannada qaarkood dagaallo kulul la galay kuwa raba inay dumiyaan diinka islaamka.

Warsidayaasha ayaa qaarkood qoreen in culumadu la heshiinayso khawaarijta. Qoraallada noocaas ah ayaa la oran xilkasnimo xumo, qadaf iyo aqoonta saxafiyaasha qaarkood oo aad u hoseysa. Sida Sharcigu qabo, culumadu marna lama midoobi karto ruux muslimiinta oo dhan u heysta gaalo (Murtadiin) oo ah kalimadihii usbuuc ka hor uu isticmaalayay Abu Shureym. Ninkaas oo sheegta inuu ku hadlo codka khawaarijta isbahaysatay ayaad moodaa in birtu soo kartay oo hadda raba bal inuu weji kale ku eego.

Khawaarijta ayaa caan ku ah adeegsiga calooshood u shaqeystayaasha sida ajaanibta la socota oo intooda badani ka soo jeeda shakhsiyaad daroogada ku noolaan jiray iyo darbijiif. Mararka ducfigoodu oo daahiro ayay lacag siiyaan dhowr oday oo haba yaraatee aan wax dan ah ka lahayn dadka ay matalayaan.

Waxaa caddeyn ah:

Odayaashu xaggee jireen markii masaajidda culumada lagu soo weeraray, garabse ma siiyeen ama difaan?

Haddii magacu runyahay oo uusan hoosgelis ahayn, odeyga dhabta ahi miyuusan ka gilgisheen 3da sheekh ee hortiisa lagu gowracay?

Waxaa hubaal ah in odayaasha ama nabadoonnada dhabta ahi aysan xornimo marna soo horfariisan doonin kuwa waxshiga iyo nifaaqu hareeyey ee dhiigga muslimiinta meel kasta daadinaya.

Ugu dambeyntiina, reer khawaarijoow Soomali hubka qaaddaye dadydayo dalk kaleeto.

Xafiiska Wararka ee Ahlusunna Waljamaaca

shiikh cabdullaahi tawasul waxa uu kamid yahay culimada ahlusunna kuwa fidiya diinta islamka

dadasSHIIKH CA.DULLAAHI TAWASUL  WAA SHIIKH KAMID AH CULIMADA SOMALIYEED KUWA UGU CAANSAN

Wahaabiyada Iyo Soomaaliya (Qeybtii 1-aad)

Wahaabiyada Iyo Soomaaliya (Qeybtii 1-aad) { 25 Jan 2009}
waxaa la daabacay Sun 25 Jan 2009 00: 11: 29
In badan oo ka mid ah umadda Soomaaliyeed ayaa ku jaha wareersan waxa ay tahay xaqiiqada iyo mabaadiida wahaabiyadu, iyagoo u arka, dad diinta u adeegaya. Waxaa ayana jira, in badan oo aaminsan in ay waahaabiyadu u horseedayaan nabad iyo horumar dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Haddaba aan wax yar ku baraarujiyo walaalahayaga soomaaliyeed ee sida fiyow u fakara sida ay u soo bilowmeen, waxa ay aaminsan yihiin iyo ujeeddada wahaabiyiisamka. Waxa kale oo xusid mudan, goormaa ayay Soomaaliya yimaadeen? Maxay ka sameeyeen mudadaas? Iyo waxa ay hadda damacsan yihiin? Anigoon isticmaali doonin dacaayad iyo been abuur.

Soo lilaabashadii Wahaabiyada iyo waxa ay aaminsan yihiin Aan ku bilaabee, wuxuu fikirka waxaabigu soo bilowday bartamihii qarnigii 17-naad, markii uu soo baxay ninka lugu magacaabi jiray Mohamed Abdulwahaab, oo ah ninka loogu magac daray wahaabiyada.

Mohamed Abdulwahaab wuxuu ku dhashay magaalada Cuyaynah, ee ku taal Najdi sida la sheegay, taariikhdu markay ahayd 1703. Wuxuuna ku barbaaray isla halkaas asaga oo la sheegay in uu yaraantiisii wax ka bartay aabihii Shiikh Abdulwahaab (raxmatullaahi caleyhi), oo ka mid ahaa mashaa’ikhdii madhabka Xanbaliga, ee sida fiican halkaas looga yaqaanay.

Wuxuu wax barasho u raadsaday wadankaasi Ciraaq magaalada Basra, kadibna uu ka sii aaday magaalada barakaysan ee Makka iyo Madiina. Muddadii uu ku sugnaa Basra wuxuu ka noqday halkaas nin ku caan baxay muran iyo isku taagga culimada, xattaa culimadii wax bartay asaga, taas oo ka yaabisay muslimiintii halkaa ku dhaqnayd, Waxaana lagu amray inuu isaga baxo magaalada Basra, asagoo markaas u amba baxay halkii uu ka yimid ee Cuyeynah taariikhdu markay ahayd 1740.

Sida lagu yaqaan wahaabiyada, wuxuu bilaabay sheekhoodii Mohamed Abdulwahaab, in uu kala shaxaado dadkii halkaa ku noolaa mandaqada, asagoo sheegtay in uu haysto madhabka Imaam Axmed Binu Xambal (raxmatullaahi caleyhi). Wuxuu ku qanciyay inuu la shaqeeyo ninkii magaalada xukumay (Uthman ibn Mu’ammar). Wax yar kadibna wuxuu ka dhaadhiciyay, in ayaga oo kaliya ay yihiin Islaamka saxda ah, aysanna fahmin xaqiiqada tawxiidka, ayna caabudaan qabuuro.

Isagoo la kaashanaya (Uthman ibn Mu’ammar) wuxuu amar ku bixiyay in la burburiyo qabuuraha cid kasta oo qadarin mudan, si aan loo ziyaaran amaba suu yiri aan loo caabudin. Nasiib darro waxaa qabrigii koobaad ee la jajabiyo noqday, qabrigii asxaabiga jaliilka ah ee Zayd ibnu Al-khadab oo ay walaala ahaayeen Sayid Cumar ibnu al-khadaab (radiya allaahu canhumaa), kuna shahiiday dagaal ay isaga horyimaadeen musaylimah al kadaab.

Waxay arintaasi ka caraysiisay dadkii muslimiinta ahaa ee halkaa dagganaa, ilaa markii dambe ninka la yiraahdo Sulaiman ibn Muhammad ibn Ghurayr, oo ahaa ninka madaxa u ah qabiilkii halkaa ugu badnaa ee bani khaalid uu amar ku bixiyay, in Guddoomiyuhu dilo ninkaa haddii kale uusan sii xukumi doonin magaalada, taas oo ku kaliftay Mohamed Abdulwahaab inuu cararo.

Waxaa dabadeed soo dhaweeyay ninka la yiraahdo Mohamed Ibnu Saud, oo ah ninka loogu magac daray waddankaa, ayna ka soo jeedaan boqortooyada xukunta dhulkaa ilaa iyo hadda. Mohamed Ibnu Saud wuxuu madax ka ahaa magaalada Dir’iyya, halkaas oo saldhig u noqotay faafinta waxa uu ugu yeeray cusboonaysiinta towxiidka. Wuxuuna halkaa ka bilaabay Mohamed Abdulwahaab, gaalaysiinta waxa aan raacin asaga, banaysashada dhiigga muslimiinta wixii ka hor yimaada hadafkiisa iyo tirtiridda dadkii aqoonta u lahaa ee ka digayay fitnadiisa.

Kadib, labadaa nin waxay kala saxiixdeen in ay wada qabsadaan waddanka Saudi Arabia hadda loo yaqaan, iyagoo garab ka helayay dunida reer galbeedka, gaar ahaan Ingriiska iyo Faransiiska oo ayagu in badan ku taahayay ka takhalusidda dawladdii Islaamka ee Othman Impire, hasa yeeshee u taag waayay.

Waxay ku duuleen Makka, Madiina iyo qaybaha kale ee waddankaas, iyagoo dilayay cid kasta oo is hortaagta dhaq-dhaqaaqooda. Waxay kaloo joojiyeen gudashadii howlaha xjka, iyagoo ka hor istaagay umaddii soo xajinaysay, aanna la xajin muddo ilaa sadex sano ah. Waxay dileen kumanaan muslimiin ah oo ay ku jireen imaamyadii masaajidda mua’ddiniintii iyo mashaa’ikhdii diinta dadka halkaa ku bari jirtay.

Sidaas ayayna ilaa hadda xulufo ku yihiin reer Mohamed Abdulwahaab iyo reer Mohamed bin Saud. Waxaa digniin xoog leh ka dhiibay waxyaalaha uu waday culimadii islaamka ee xilligaas, oo ay ka mid ahayeen aabbihii shiikh Abdulwahaab, walaakii Shiikh Sulaymaan Abdulwahaab, Zeynu Daxlaani, Tantawi (raxmatulaahi caleyhim) iyo culima kaloo badan, kana qoray kutub badan oo ay oga digayeen fitnadiisa. —- waa socotaa

Aadan Maxamed

buuga cusub ee lamagacbaxay(Farxaddii Guul Darrada) Midawga Maxaakimta oo kahadlaya dagaaladii udhaxeeyay hugaamiyayaasha iyo maxaakiimta islaamka

Buuggan wuxuu ka hadlayaa dagaalkii ugu wejiyada badnaa ee ka dhaca Soomaaliya, kaasoo magaalada Muqdisho ku dhex maray laba isbahaysi oo isku kala magacaabay:-

Midawga Maxaakimta Islaamiga!!! iyo Isbahaysiga la dagaallanka Argagaxisada!!!

Waxaa ka muuqanaya buugtaan uu Shiikhu soo bandhigey oo laga dheehan karaa marka si dhug leh loo akhriyo labo xaaladood:
In Shiikhu muddo usoo xereystey ama u soo qariibay la socodka, baxthiga iyo xog-ogaal u noqoshada afkaarta, barnaamijta, tadawurka iyo tabaha kooxahaan ku adeegta magaca diinta.

In gaar ahaan qormada buugaan “Farxaddii Guul Darrada” aanu helin waqtigii ku fillaan lahaa in lagu faah-faahiyo mawduuca uu xambaarsan yahay; waana wax la dareemi karo in duruufta hadda ka jirta dalka ay sidaas kaliftey..
Waxaan guud ahaan rajaynayaa:
In uu noqdo buuggii u horreeyey ee laga qoro dhacdadan.

In uu marjic u noqdo aqoon-yahannada iyo baaxithiinta doonaya inay macluumaad dheeraad ah ka helaan sababihii diyaariyey dagaalka iyo mirihii ka dhashay.In uu soo gudbiyo xogo iyo xaqaa’iq sabab u noqda fashalinta shirqoollada iyo sama bixinta ummadda.

Waxaan ugu ducaynaynaa shiikha in Eebbe (SWT) uu ajar iyo xasanaad ka siiyo dadaalka iyo dhiiriyada gaarka ah ee uu ka muujiyey soo bandhigidda buugaan.

FARXADDII GUULDARRADA
Midawga Maxaakimta
& La dagaalanka Argagixisada