Shiikh culimada ashaacirada somaliyeed

Shiikh Nureini Shiikh Axmad Sh Saabir”Rch” waa shaqsi nuucee ah?? { 16 Nov 2007}
waxaa la daabacay Fri 16 Nov 2007 02: 02: 02
Shiikh Nurein Wuxuu ahaa shiikhii ugu can sanaa degmada Baraawe ee gobolka shabeellada hoose iyo nawaaxigeeda xagga Cilmiga iyo xagga Faafinta Diita Islaamka iyoTarbiyada Muriiddiinta Ahlu Sunnah W al Jamaacah. wuxuu caan ku ahaa aqrinta Kitaabbada iyo Duruusta Cilmiga oon kala joogsi laheen.

Waxaa u dheeraa habka loo fahamsiiyo xirta cilmiga. sidaas aawadeed baa xirtiisa u laasimeen masjidka uu ku galo cilmiga . waxaa kasoo  Baxeen culumo badan oo  ku baahsan Somaliya iyo Dawladaha Jaarka la ah.

Hadaan xoogaa ka sheego Beledka Baraawa iyo Mashaa-ikhda ku dhalatey Baraawa waa beled aad u taariikh weyn oo ku yaalo xeebta Bad Weynta Hindia, una dhow dhul bereed iyo Daaqsin oo aaran ku ah kheeyraadka Badda iyo Berriga, wax walibaa Rakhiis ah ,waqtiga Ramaddaanka ayaa  aad loo tagaa  si loogu guto Soomka Loogana qeyb galo Afuriska badan oo loo yaqaan “Afur samaale” waxa aay ku caan baxdey Baraawa Diinta Islaamka iyo Tarbiyadiisa ruuxiga ah .

Waxaa ku dhasheen Mashaa-ikh waaweyn aad ugu caan baxeen Culuumta Islaamka, mashaa-ikhdaas oo haddii hal keliya oo iyaga kammid ah uu ku keli noqon lahaa Iqliim ama Jihocaalamka kamid ah , uu kaligiis deeqi lahaa kuna filnaa lahaa dadweynaha deggan aqoonta u leeyihiin culuumta kala duwan oo fanni walba leh darteed. 

Waxaa  kamid ah Mashaa-ikhdaas Waa weyn Shiikh Uweys Al-Qadiri Al-Baraawi “Tunni” Shiikh Nureini Al-Baraawi” Haatimy” Shiikh Qaasim al-Baraawi “Wa;ili” Shiikh Mucallim Nuur Xaaji Cabdul Qadir “Tunni” Iyo Mashaa-ikh kale oo aan dib baan ugu faaloon doono in shaa Allaah .

Mashaa-ikhda oo aad ugu hureen naftoda ,maalkooda iyo waqtigooda Diinta Faafinteeda, xoojinteeda sidaas ayeey na ugu anfaceen intii raacdey oo ku dayatey xalaal miiradka xalaal la quuto Daacadd nimada dar allah , ilaa aay ka gaareen :       

                                                                     علم اللدني وعلم اليقين وعين العقين وحق اليقين Cilmu Alladuni ,Cilmul yaqiin, Ceeynul Yaqiin iyo Xaqul Yaqiin.

Mashaa-ikhdasi waa weyn sida Shiikh Nureini sheekh Axmed Sabir oo kale maka  mudneen dad Muslim sheeganaayo in aay kula kacaan I haano iyo fal xumo, in ay  jebiyaan qabriga shiikha iyo derbiga masjidka,  haddane jir dil u geeystaan dadka ziyaarinayey sheekha oo ka kala yimid meela kala duwan, kalgaceeyl Fillah wa Rasuulihi wa Awliyaaihi iyo kor yeelidda shacaa-iruddiinka (ومن يعظم شعائر الله فانها من تقوي القلوب)

Yaamuslimiin ! Jamaaco yimideen Iyagoo weliba ku maxabbeeysan Qur’aan akhris iyo salawaat cala-Nabi “Csws” iyo ammanta Shiikha Ilaaheey ku mannadeystey oo aay kamid tahay Baarinimadiisa Sakhinimadisa Allah barigiisa Xalaawatul Iimaankiisa  siduu dadweynaha u anfacay una tarbiyeye .Allaha kheyr ugu jaaziyo Aamiin,(خير الناس أنفعهم للناس )

Daalimiintaasi waxeey xag Allah ka muteen Dagaal  sida ku xusan Xadiisul Qudsiga                                                                   من اّذي لي وليا فقد اّذنته بالحرب

waa u bilaabatey Xarbigii Allah waana la arkey karaamadii  Ilaah siiyey shiikh Nureini Axmed Sabir iyo muriiddiintii fadhidey masjidka ku  kurboodeen iyo muriiddiinta ku nool  dibadda qurbada iyo kuwa ku nool dalka gudahiisa waa la wada  kurboodey “Kariimkaa kurbo feede ah”.

Waa laga wada xumaadey fal xumadaasi, Jab iyo halaag baa ku dhacay oo ooga yimid  Allah Weyne Waaxidka ahaa xaggiisa Isagaa  xaq soore Ah ,ma hurde ma hilmaame Ilaheey kama cafinaayo xaqunnaaska wixii aay ka galeen shiikha iyo axbaabtiisa oo muqiim iyo musaafir  ba leh oo garaaceen iyagoo waxba galab sanin.

Waa ogtihiin saa u dhan tihiin Ahlu sunna wal Jamaacah,,Cuntadii xalaasha eheed ne badda ku daadiyeen masaakiinta u baahan oo meel aay ka shaqeeystaan jirin oo baraka doon u cuni lahaayeen,iyo inta kale Jamaahiirta oo barakada soo doonten .

Kuwaas haddeey Diinta Islaamka Lafta iyo Ludda ka geli laheed oo Iimaan qabi lahaayeen habba yaraadee kuma kici laheen si ka baxsan bnuu aadam nimada , mana ku kici lahen fal  oo u keenaayo Carada Ilaaheey . “ Ninkii  Diin ku dhashaa Diin ku dhaqmaa” Waxa aay ku kaceen waxaa kabadan waxa aay sooo wadaan.

Qore Professor Sh.m.Sh.C/lahi Caseeyr

Xafiidu shiikh Uweys Al-Qadiri “Rch”

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s