Shiikh Sacdu’diin Ibnu Axmad oo kamid ahaa culimadii diinta kufaafisay somaliya

Sh. Sacdu’diin  Ibnu Axmad

Sh. Sacdu-diin Allaha ka raali noqdee ilaa iyo hada waxuu ka mid yahay culamada  waa wayn ee lagu ziyaarto magaaladda Zaylac wuxuuna kaalimaha ugu muhiimsan kaga jiraa Imaamiyaalka Soomaaliyeed ee taariikhda ugu wayn ku leh Geeska Afrika.

Sh. Sacdu- diin dagaalkii ugu adkaa wuxuu gaalada ku qaaday 735 Hijriyada, wuxuuna ahaa ninkii ugu guulaha badnaa ilaa iyo waqtigii Imaam Axmed Ibraahim. 

Sheekh Sacdu-diin waxay kutubta taariikhda ee wax ka qortay ku tilmaamaan inuu ahaa caalim aad ugu wanaagsan diyaarinta khudbadda iyo dhiirra gelinta mujaahidiinta jihaadka loo diyaarinayo.

Waxaa shicaar iyo halku dhigba u ahaa ALLAAHU AKBAR. Marka ciidankiisu Jihaadka geleyaan waxay si jahar ah kor ugu qaadi jireen Suuratul-Caadiyaat. Wuxuu ahaa weli Ilaahay oo Ahlul-kashfi ah ru’yooyinka uu cabbiro waxay noqon jireen kuwa la arko, gaar ahaan kuwa ku saabsan jihaadka. Marka dagaallada luga guulaysto gaalada wuxuu ciidanka iyo dadweynihiisa u qali jirey geel, lo iyo ari uu ku salaynayo Shukri naq uu ku xusayo guusha uu Ilaahay Muslimiinta siiyey. 

Imaamku  waxa kale oo uu caan ku ahaa caddaalad, geesinimo iyo sare u qaadidda himmada ciidammada. Wuxuu ku shihiiday Jasiiradda Sacdu-diin oo isaga loogu magac daray. Wuxuu Allaha ka raalli noqdee ifka ka tegey isagoo sidiisii iyo si ka wayn loo Jecel yahay

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s