taariikhda asxaabta iyo culimada salafu saalix ee somaliya

SOOMAALIYA IYO SALAFU SAALIX 

Dhammaan Asaxaabta, Khulafada, Imaamyaalka iyo Culumada aanu soo sheegnay ee u kala dambeeyey u soo gudbinta iyo ku faafinta Diinta Islaamka ee Soomaaliya ee ay ugu horreeyeen madaxdii Asxaabta Rasuulka (CSWS)

sida Cusmaan ibnu Cafaan iyo Jacfar ibnu Abii Daalib waxay ku sugnaayeen qarniyadii barakaysnaa ee Salafu-Saalixa, waxayna noogu soo gudbiyeen cilmigoodii Imaamyaalkii iyo culumadii ka dambaysey ee uu jiilba jiil ka dhaxlayey. 

Sidaas darteed, dhammaan dhacdooyinkani waxay ummaddeenna Soomaaliyeed dhaxalsiiyeen 3- arrimood oo qaali ah, oo kala ah:-

·          In Soomaaliya diintu soo gaartay ka hor inta aanay diinta qaadan reer Maka, marka laga reebo Rasuulka (CSWS) iyo Asxaabtii Rasuulka rumeysay, oo reer Maka aad u dhibayeen tiradooduna yarayd. 

·             In Soomaaliya diinta ku qaadatay rabitaankeeda, halka Maka xoog looga furtay (16)  lix iyo toban sano kaddib markii diintu soo gaaray Arlada Soomaliya. 

·              In Soomaaliya diintu si xoog ah ugu fiday waqtigii Salafu Saalixa, taasoo dhaxalsiisay in dadka Soomaaliyeed ay ku abtirsadaan Imaamyaal dhammaantood Salafu-Saalix ah. 

sida:- 

a)          Xagga Mad-habta waxay ku abtirsataa Imaamu Shaafici

b)          Xagga Caqiidada Imaam Abul Xasan Al-Ashcari

c)          Xagga Qirada Imaam Abuu Camar ibnu Callaa

d)          Xagga Tasawufka Imaam Abul Qaasim Al-Juneydi oo dhammaantood ah Imaamyaal Salafu-Saalix ah. 

Haddaba, haddii aan soo koobno Imaamyaalkii iyo Culumaa’uddiinkii ka imanayey Carabta ee gacanta buuxda ka geystey faafinta diinta Islaamka ee dalka Soomaaliya waxaa loo kala qaadi karaa:

1.          Asxaabtii ka soo haajirtay dhibaatooyinkii Gaalada reer Qureysh ay Muslimiinta ku hayeen inta aanay Muslimiintu Maka furan.

2.          Culammadii wufuudda ahayd ee madaxda Islaamku u dirayeen dalka Soomaaliya.

3.          Culumadii Ducaada ahayd ee iskood isugu xilqaantay nashrinta iyo faafinta diinta Islaamka.

4.          Ganacsatadii culumada ahayd ee isku dhinac weddey ganacsiga iyo faafinta diinta Islaamka.

5.          Culumadii iyo madaxdii ka soo qaxday dagaalladii siyaasadeed ee xilligaa.

 (4)       IIMAAM YAALKII WAX KA QORAY SOOMAALIYA

 Imaamyaalkii, Mufasiriintii Qur’aanka Kariimka, Xufaadii Axaadiista Rasuulka (CSW), Fuqahadii, Luqawiyiintii, Taariikh- yahannadii, Raxaaliintii (bad-mareennadii iyo dhul-mareennadii) iyo Caalimiintii wax ka qortay Soomaaliya iyo taariikhdeeda waxaa ka mid ahaa:

1-           Imaam Fayruuz Abaadi oo ku qoray kitaabkiisa Qaamuusul-Muxiid

2-           Xaafid Al-Zubeydi oo ku qoray kitaabka uu ku sharxay Qaamuusul-Muxiidka ee Taajul Curuus

3-           Imaam Yaaquut Al-Xamawi oo ku qoray kitaabkiisa Mucjamul Buldaan.

4-           Imaam Al-Maqriisi kitaabkiisa Al-Imaam Biman Fii Ardil Xabasha

5-           Imaam Abul Cabbaas Al-Qal-Qashandi kitaabkiisa Subxul Acshaa

6-           Ibnu Baduuda kitaabkiisa Tuxfatul Nadaar fii Garaa’ibil Amsaar

7-           Al-Imaam Shahaabuddiin Axmed Ibnu Cabdilqaadir oo loo yaqaan (Carab Faqiih) kitaabkiisa Futuuxul-Xabasha.

8-           Imaam Muxamad Al-Dayib Ibnu Cabdullaahi kitaabkiisa Qalaadatu-Naxri fii- Wafiiyaati Acyaani-Dahri.

9-           Xaaji Khaliifa  kitaabkiisa Kashfu-dunuun.

10         Cumar Ridaa Kuxaalah Kitaabkiisa Mucjamul-Mu’alifiin

11         Xaafidu Suyuudi kitaabkiisa Xusnul- muxaadarah iyo al-lubaab

12         Ibnu –Kamaal baashaa kitaabkiisa Dabaqaatul-xanafiyah

13         Xaafidul-cayni kitaabkiisa Al-sayful- Muhannad

14         Sh. Abu-Cabdulaahi Al-dabbakhi Kitaabka Muhadabka Rixlatu Ibnu Baduudah

15         Sh.  Axmed Zayn Al-xabashi kitaabkiisa Sharxul-cayniyah

16         Al-Qaadii C/raxmaan Ibnu Muxamad Ibnu Xuseen Al-calawii kitaabkiisa Shamsu-Dahiirah

17         Al-sayid Imaam Muxammad Ibnu Abuubakar A-shaliyi baa Calawi kitaabkiisa Al-mashruucu- rawii fii manaaqibi – saadaatil-kiraami-aala-baa calawii.

18         Iyo Xaafidul-Casqalaanii Kitaabkiisa Al-durarul-kaaminah fii acyaanil miati-saaminah.

19         Al-imaam shamsu-shumuus Muxyaddiin Cabdulqaadir ibnu Sheekh Cabdillaahi Al-caydaruusi. kitaabkiisa Annuuru-saafir

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s