taariikhda shiikh suufi

Taariikhda Sheikh Suufi 

Coner

 

( Nof 17, 2002  )

 

Coner

 

WQ

Qamar SHARIF HASHIM

lunas68@hotmail.com    

Bismillaahi Al Raxmaani Al Raxiim. 

Taariikhda Sheikh Suufi 

( Sheekh Cbduraxmaan Bin Sheikh Cabdalla )

(Al Muqdishiyi, Al Soomaaliyi, oo loo yaqaan Sheikh Suufi ) 

Mahad Ilaahaa leh, Ilaahey-gii kheyr- kiisa siiyo oo doono ee adoomadiisa ka mid ah. 

Ilaahey wuxuu sharci-yeeyey Axkaam, taasoo maslaxo u ah waxa oo uumey oo dhan, Naxariis iyo Nabad-gelyo ha ahaato Siyidkeeni Maxamed korkiisa. 

Haddaba, Ilaahey wuxuu noo soo direy Sayid-keyna Maxamed ahaa, naxriis korkiisa ha ahaato, uuna soo dhiibey Risaalo oo caam ah, ee ah Risaaladii ugu dambeysay Risaalooyinkii Ilaahey. 

Waxa xaqiiqo ah Nabigeena bacdigiisi iney jiraano jameeco oo ka mid ah asxaabtiisi iney ku dadaaleen xoojinta Risaaladaasi, kana soo saarey Axkaam kala duwan iyo mas-alooyin, ayagoo ku dadaalaayo iney caddeeyaan dalaa-ilka Axkaamtaas, saldhigna ugu dhigaayo Kitaabka Ilaahey iyo Sunnada Nabigeenna, Salla Laahu Caleyhi wa Sallam,(SCW) 

CULUMADII DHAXASHEY NABIGEENI (SCW) 

 

 

Waxa soo baxay Imaam-yaalo oo badan eena suu-suuban, waxaana ka mid ah afarta Imaam oo caamka ah, oo kala ah: 

  1. Nucmaan Ibnu Thaabit Abu Xaniifa,( Mad-habka Xanafi)

  2. Maalik Binu Anis(Imaamul Hijra) ( Mad-habka Maaliki)

  3. Maxamed Binu Idris Al-Shaafici, (Mad-habka Shaafici)
  4.  

  5. Axmed Ibnu Xambal Al-Sheybaani,(Mad-habka Xambali)

 

Afartaas Imaam iyo Culumadii la mid ahayd waa Culumadii loo yaqiiney culumaa-u Al-Salaf, Raxmadii Ilaahey korkooda ahaato. 

    CULUMDA SOOMAALIYA. 

    Anaga, hadaan nahay Ummadda Soomaaliyeed, Aa-imadii hore u jirey iyo kuwa hadda joogaba, aragti-dooda waxey noqotey iney ku deydaan ayna raacaan Imaamka mash-huurka ah Imaam Al-Shaaficiyi, raxmadiisa Ilaahey korkiisa ha ahaato, taasina ma aha aqoon-daro, iyo tixgelin la-aan

    Aa-imada kale iyo madaa-aha madaahiibtooda. 

    Aa-imadaasi waxey tixgeliyeen kuna dadaaleen iney ummadda Soomaaliyeed, ay ku mideeyaan hal Itti-jaah oo aan khilaaf leheen, kuna saleysan Kitaabka Ilaahey iyo Sunnada Nabigeena ( SCW) waana ku guuleesteen, Ilaahey ha uga jaaseeyo xagga Axkaamta Diinta iyo xagga Muslimiinta oo dhan. 

    Kuwaasi waa Aa-imadii Soomaaliya u dhashey ee hore, wixi ku saabsan oo Axkaam ah waxba ma ay ka tegin, waa caddeeyeen, waana gaarsiiyeen Ummadda Islaamka, ayago ka baahi tiraayo Kitaabka Ilaahey iyo Sunnada Nabigeena, (SCW) Ilaahey ha uga jaaseeyo xagga Axkaamta Diintooda iyo xagga Muslimiinta oo dhan. 

    Culumadaasi Soomaaliyeed ee ku midoobey Mad-habta Al- Shaafici, dadweynaha Soomaaliyeedna ku ilaaliyeen inaan la kala jiid-jiidan, taaso Soomaaliya oo dhan iyo agaaar-keeda ay gaartey. 

    Marka raggi u hurey naftooda iyo aqoontooda, caamigana ku ilaaliyey Diinta Islaamka ee Xaniifka ah, waa culumadaas aqoonta durugsan leh aan ceebta leheen. 

    Fidinta iyo xoojinta Diinta Islaamka, culumadaasi Soomaaliyeed waxey ka qaateen qeyb weyn oo lama illaawaan ah, culumada adduun-wenaha Islaamkana ay u aqoonsan-yihiin. 

Taasina waxa caddeyneysa iney culumo badan oo cilmi doon ah iney yimaadeen Soomaaliya, ayna cilmi ka qaateen culumada ay ka mid yihiin, 

    Sheikh Maxamed Cabdi Al-Samad.

iyo adiib-kii weynaa, Sheikh Xarameyn Xaaji Yuusuf Sheikh Abaale Al-Shaashiyi,loo yaqaan Bad-jeexe eena ah Sheikh Suufi Abkow-giisa, iyo Sheikh Amiin Sadiiq, eena ah Sheikh Suufi Abkow-giisa, Sheikh Moxamed Faqay Cali eena ah Sheikh Suufi Abkow-giisa,

    iyo

    Saaxibul Qubaah wal Manaara,

    Sheikh Cabdulcasiis bin Maxamed Bin Sharafu al-Diin

    AL-Maqzuumi,

    iyo

Sheikh Maxamed Al-Neysaanbuuri iyo Sheikh Abuu Faraj Al-Dabi, iyo Sheikh Cabdul-jabaar iyo Sheikh Ibrahim Rashiid, iyo Sheikh Cabdul-Manaan, iyo Sheikh Cusmaan Faqey Cumar( Aw-Gandarshe)

Iyo Sheikh Waliyow Cadde, iyo Sheikh Xaaji Baa-Xassan

    Al-Zubeyri, iyo Sheikh Xaaji Nuur Xaaji Siddiiq, iyo Sheikh Cabduraxmaan Al-Zeylaci, iyo Sheikh Muumin Cabdalla, iyo Sheikh Muxidiin Macalin Mukkaram, iyo Sheikh Sacad Daa’uud (Loo Boge) iyo Sheikh Abiibakar Mixthaar, iyoSheikh Aweys Al-Qaadiriya, iyo Sheikh Aw-Cusmaan Marka-yaale, iyo Sheikh Cali Maye, iyo Sheikh Axmed Xaaji, iyo Sheikh Qaasim Al-Baraawi, iyo kuwo kale oo badan oo aan soo koobi Karin, kuwaasi uu ka mis ayahay Sheikh suufi. 

Haddaba, waxa dhacday in itti-jahaas mideysan oo khilaaf la-aanta ahaa lagu sameeyey wax dhalinaayo iska hor imaad, dadweynaha caamiga ahna la tusiyey culumada suu-suuban, oo dalkeena ku xoojiyey diinteana Raxmadii Ilaahey korkooda ha ahaatee, iney heysatey aqoondaro, taasina ineysan jirin waxana markhaati ka ah in Soomaaliya oo dhan 100% iney wada Muslimiin yihiin. 

    Taariikhda haddi dib aan u fiirinana Soomaaliya waxa soo marey Isticmaaryo badan oo dabada ku sitey fasahaad iyo fal-xumo kana mid ah fidinta siinahoodi, kulli-goodna wey ku fashileen, sababta oo ah waxa dadaaley kana hortagey Culumadaasi kore, 

    Ka hortagaasi waxey ku suurtagashey ayado Culumadaasi oo u iftiini-neyso Kitaabka Ilaahey iyo Sunnada Nabigeena (SCW) qaadanaayana Itti-jaaha Imaamu Al-Shaafici, taasina waxey dhalisey in Soomaaliya in muddo ah aan ka jirin wax khilaaf ah. 

Haddaba, waxa haboon, in Ummadda Soomaaliyeed oo dhan iyo Culumadeedaba iney ku xisaantamaan Manhajkaas dhowrigiisa, sidii ummadda khilaaf iyo iska hor imaad diineed looga ilaalin-lahaa, waayo dadka waxey u badan-yihiin caami oo aqoontooda xagga diinta aad u hooseysa, waxeyna u baahanyihiin culumo is waafaqsan oo ay ku daydaan ayna raacaan. 

Soomaaliya waxa jiri-jiray deegaano ku saleysan qabiil, qabiil-kastana wuxu lahaa mashaa-yiiq, cawaantana ku ilaaliso ku dhaqanka shareecada Islaamka, taasina waxey keentay in culumada is waafaq-sanaayeen, hal itti-jaahna lahaayeen, kuna guuleestay iney hor-istaagaan

    Istic-maaryadi doonaayey in Soomaaliya ku fidiyaan diintoodi. 

    Haddaba Soomaaliyeey ka fiirsada dalkeena uma baahna

    Itti-jaah cusub oo Diineed iyo wax ka sheegid Aa-imada ama Culumada Suu-Suuban.

     

Culumadaasi oo Suu-Suuban, Raxmadii Ilaahey korkooda ha ahaato, waxa ka mid ahaa Addiib-kii weynaa ee

    Sheikh Cabduraxmaan Bin Sheikh Cabdalla

Al Muqdishiyi Al Soomaaliyi,

Oo loo Sheikh suufi, naxriista Ilaahey korkiisa ha ahaato. 

Sheikh Suufi,

Bishaaro lagu tilmaamey dhalasha Sheikh Suufi, 

Sheikh Suufi, oo loo yaqaan Sheikh-ul-Banaadir, anagoo ka soo qaadaney taariikh-diisi Culumada duuriyadiisa ah oo ka mid ah Sheikh Maxamed Axmed Sheikh Maxamud

Al Muqdishiyi, Al Soomaaliyi, oo loo yaqaan Sheikh Abba,

Taariikh-daasi haddii aan soo koobno waxa ku cad in: 

Sheikh Suufi, dhalashadiisa ka hor, waxa Ishaaro iyo Bishaaro

Ku caddeeyey inu dhalandoono Culumo badan oo ah

 

Awliyaa-u-Laahi, waxaa ka mid ah

Sheikh Muumin bin Cabdalla, Sheikh Amiin Sadiiq bin Faqi Caalim bin Faqi Maxamed bin Sheikh Abaale.

Sheikh Suufi iyo Sheikh Amiin Sadiiq, waxey isaga soo dhacaan abtirsiga Sheikh Abaale. 

Sheikh Amiin Sadiiq, waa Abkow-ga Sheikh Suufi, xagga hooyada, waayo Sheikh Suufi, aabahiisa hooyadii dhashey waa Maana Macalin Abiikar Cusmaan Amiin Sadiiq. 

Islamar-kaas, Seikh Suufi Abkiisa, Sheikh Cabdalla Imaanka,

Hooyadii dhashay waa Faatma binta Abiibakar bin Cusmaan bin Amiin Sadiiq. 

Sheikh Maxamed Faqey Cali, oo ah abkowgii

Sheikh Maxamed Faqey Yusuf, iyo Sheikh Suufi, waxey isaga soo dhacaan abtirsiga bin Xarameyn. 

Intaasi Culumo aan soo sheegney waxey caddeeyeen ayna bishaareeyeen inu reerkaas u dhalandoono wiil Mubaarak ah eena ah Wali min Awliyaa-Allaah, taasina mahad Ilaaha leh waa rumowdey bishaara-doodi.

Ilaaheyga Raxiimka ahaa, waa ka ajiibey docadaasi. 

BISHAARADA WAXA KA MID AH DUCADII ADIIB-KII WEYNAA EE SHEIKH CUMAR XAAJI 

 

Sheikh Suufi, iyo reerka oo ka dhashey ee Shaanshiyo,waxa u duceeyey Ilaaheyna aqbaley Sheikhii, weynaa oo adiibka ahaa ee Sheikh Cumar Xaaji. 

Sheikh Cumar, wuxuu ku duugan-yahay Masjidka la deriska ah Masjidka kale ee AL-MUKHTAAR, oo loo yaqaan Mataanayaha ee Xamar-weyne. 

Sheikh Cumar, durriyadii Sheikha, caanka ahaa ee

Mash-huurka ku ahaa karaamo iyo burhaan sugan ee ah Sheikh Xaaji Baa-Xassan, oo ku duugan Jasiira, agagaarka magaalada Xamar. 

Sheikh Cumar, wuxuu ahaa Adiib weyn, wuxuuna Mudaris u ahaa Culimadii Xamar joogtay zamankaasi, wuxuuna u akhrin-jirey Tafsiir, Culumadaas ee Banaadir waxa ka mid ahaa

Sheikh Suufi, Abkow-giisa Cabdalla Imaanka. 

Maalin waxa jirey in Sheikh Cumar, Tafsiirka u dhamaadey, ka dibna, Xirtiisa wuxu ku yiri:

Yaa keenaayo qurbaanka khatimka Tafsiirka?

Su’aa-shaas wuxu u jeediyey talaamiidiisa oo u badneed

Reer Shaanshiyo.Markaas waa la wada aamusey, maadaama zamanlkaas dhibaatooyin jirtey, ayna ku qasbanaayeen iney iska aamusaan. 

Sheikh Suufi, Abkow-giisa Cabdalla Imaanka, si ayaar ah ayuu dib u noqdey, si lama fillaan ahna wuxu Sheikh Cumar, ugu keeney qurbaankii lagu qatimi lahaa Tafsiirka oona ah dibi aad u weyn, Sheikh Cumar, aad ayuu ugu farxay, markaas ayuu doceeyey, wuxuuna ku doceeyey inuusan ka go’in cilmiga Diinta duriya-diisa iyo Reer Shaanshiyo oo dhan intii qiyaamo laga gaaro.

Taariikhdan kooban ee Sheikh Suufi, waxaa soo ururiyeen soona diyaariyey Carabiga, idiinkuna fasirey Af-Somali.

Axamed Xaaji ABUKAR ( Xaaji Calwaan )

Maxamed Abukar Xaaji.

Nuur Sharif NUUR.

Maxamed Xaaji CABDOW.

Culumada sharafta leh ee Bahweynta Banaadir,

Aad ayey ugu mahad-sanyihiin sida sharafta leh ay iigu fasaxeen inaan u bandhigo akhrista-yaasha dhan, ayagoo ka raali ah. 

Bal aan in yar idiinku kordhiyo. 

Shaafici

Wuxuu soo if-baxay, (767-820) abaabulay Maxamed Binu Idris

Al-Shaafici, siday u tilmaameen Culumada sharfta leh oo ka hadlay taariikhdii Sheikh Suufi,

Al-Shaafici,  

wuxuu ka dhashay qabiilka Qureysh, ahna qabiilka Nabigeena(SCW) Mad-habka Shaafici, waxay dib u laabashada Qur’aanka iyo Dhaqankii Nabigeena (SCW) ay dhaqankaa fiiro gaar ah siiyaan, haddaan ka hadlo Al-Shaafici, ruuxiisa wuxuu raad raaci jiray Mah-dabka,Imaam Malik,

Shaafici-ga, markaan eegno waxay isu dhow-yihiin Mah-dabka Maaliki, qaas ahaan xagga nidaamka intaana waxay ku wacneed wax barashadii Al-Shaafici, ahaa tii Maaliki-ga, Imaam Malik, iskuulkiisa ahaan iskuulka ugu weynaa caana ahaa la furay ( 873-935) waqtigaa ayuu ku beegnaa waxaana la oran jiray Kalam, waxaa iskuulkaa ama madras-kaa ka bixi jiray Adii-biinta ugu waaweyn. 

WADAMADA KU DHAQMO SHAAFICI.

Waa.Masar, Suriya, Xeebaha loo yaqaan Badda-Cas, Filipin, Taylanda, viyet-nam, Malesiya, Indonesiya iyo Somaliya. 

Markan dib u raad raaco Culumada Bahweynta Banaadir, waxay u qeubsamaan sidatan, Rifa’ciya, Saalixiya, Raxmaniya,

Suufi, Qaadiriya, Axmadiya, Tariqi, Faatimiya, Faatimi, waxaa u gaar ah Haweenka, Nabigeena(SCW) Amaana ayna ku raaciyaan Amaanka Nabi-ga(scw) Xayaad-ka,  

Marna yaan la illoobin siduu Kutaab-keyna Kariimka, sheego waa sidatan, dal oo dowlad leh oona dowladaa uu ku dhawaaqay dowlad Islaami ah, ka dibna u sheeg ummadda oo dhan in wadankaa lagu dhaqi doono sharci-ga Diin-ta Islaamka ka dib ayaad furan maxkamad Islaami ah,  

Meelaan dowlad ka jirin waa sida meel dooro ka yeertay waa duur, marka marna yaan loo moodin in Somaliya, uu yahay duur, dad iyo Diin, ayaa ka dambeeya iyo Culumo, naftooda u hurtay Sunnada Nabigeena(scw) iyo Mad-habka Shaafici-ga. 

Waxay doonaan inay af-kooda ku denshaan Nuur-kii Allah,

Laakiin Nuur-kii Allah, ayeyna ku dhamaan-doontaa dhibka ay doonaayeen kuwa waxba aqoonsan(Qur’aan 61/8) 

Culuma-da BB, waxaa lagala soo xiriiri karaa mailkeyga,  

Wahabi ma’ihi Cabasit ayaan ahay.

Adeeg-ta Culumada BB.

Qamar SHARIF HASHIM

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s