taariikhda somaliya iyo ahlusunna wal-jamaaca

SOOMAALIYA IYO MIDNIMADA DIINTA OO DHAN KASTA AH 

Sida Rabbi (SW) uu ugu guuleeyey uguna sharfay ummadda Soomaaliyeed, in diinta Islaamku soo gaarto iyadoo aanay wada qaadan labada Xarram ee Maka iyo Madiina, ayaa Ilaahay ugu sharfay, uguna guuleeyey culamada Soomaaliyeed inay noqdaan dad dhinac kasta ka mideysan; Waayo:-

·              Dadka Soomaaliyeed dhammaantood waxay ku mideysan yihiin Mad’habta Shaaficiyada oo ka mid ah afarta mad-hab ee Islaamku ku ijmaacay xaqnimadooda, ee Xanafiya, Maalikiya, Shaaficiya iyo Xambaliya.

·              Waa  dad isku caqiido ah oo dhammaantood Ahlu-sunna Wal-Jamaaca ah, kuna abtirsada Imaam Abul Xasan Al-Ashcari, oo  Ahlu Dariiqo ah oo ku mideysan Manhajka Suufiyada.

(3)             SOOMAALIYA IYO MANHAJKA BARASHADA DIINTA ISLAAMKA 

Culumada Soomaaliyeed marka ay ka hadlayaan taarriikhda manhajka waxbarashada ee Soomaaliya waxaa culumada ugu waaweyn ee ay xusaan ka mid ah Shariif Barqadle oo loo yaqaan Sheekh Yuusuf Al-Kownayn (RC). 

Sheekh Yuusuf Al-Kownayn Allaha ka raalli noqdee sida la wada ogsoon yahay wuxuuu ahaa sheekhii hikaadda luqada carabiga  ku tarjumay af Soomaaliga oo yiri Alif wax ma leh, Ba’ hoos ku hal leh. Sidaas ayuu  ku habeeyey ilaa hikaaddu ka dhammaato, oo ardaygu gaaro heer uu qori karo uuna akhrin karo erey kasta oo carabi ah. Taas waxay u sahashay dadka Soomaaliyeed horumarinta barashada diintooda Islaamka ah. 

Sidaa awgeed; waxaa isi soo tarayey soo bixitaankii Mudarrisiin, Mushaa’ikh, Mucallimiin iyo Xer-cilmi aad u fara badan, iyadoo ay garab socotay Awliyada Ilaahay oo xerta u fidinaysey bixinta Tarbiyada Ruuxiga ah.   

(4)             SOOMAALIYA IYO BARASHADA QUR’AANKA KARIIMKA 

Dadka Soomaaliyeed waxay caan ku yihiin xifdinta Qur’aanka Kariimka iyo barashadiisa. Qiyaas dhan 80% dadka Soomaaliyeed ayaa Qur’aanka yaqaan; boqolkiiba afartan iyo shanna 45%  waxaa la yiraahdaa dusha ayay ka xifdisan yihiin. Sababta heerkaa gaarsiisay dadka Soomaaliyeed waa mid iska cad, marka laga eego qaabka ay u qiimeeyaan barashada Qur’aanka kariimka iyo manhajka toosan ee soo tixnaa illaa waqtigii Salafku dalka yimaadeen. 

Qoyska Soomaaliyeed ee reer miyiga ah oo weliba reer guuraaga ahi marka ay guurayaan Looxdii ay Qur’aanka ku baranayeen ayaa Awrta u saaran. 

Markii uu reerku degana inta aanay guriga dhisin ayay oodaan dugsiga Qur’aanka.

Marka habeenkii la gaaro dabka dugsiga ayaa la shidaa, si iftiinkiisa Qur’aanka loogu akhristo; Sidaa ayayna ku wedayaan illaa Ardaygu Qur’aanka ka barto. Taas waxay sababtay in dadka Soomaaliyeed intooda badan noqdaan kuwo aqoon u leh Qur’aanka Kariimka. Sidaas ayaa barashada diinta lagu waday qarniyo badan guulna looga gaaray. Alle mahadii. 

Ardayga Soomaaliyeed markuu Qur’aanka barto waxaa loo gudbiyaa barashada Culuumta kale ee diinta Islaamka iyadoo la raacayo waddadii Salafu-Saalix ee Manhajka Xalaqaatka Cilmiga ku saleysan, oo ah cilmiga la xilqeeyo ee sida dhameys tirka ah mushaa’ikhda kutubta looga akhristo.

 (5)             SOOMAALIYA IYO SIDA XERTA LOOGA XUSHMEEYO

 Soomaaliya waxay leedahay Madarasado iyo Jaamacado cilmi oo caan ah, aadna u fac weyn sida Zaylac, Harar, Muqdisho, Marka, Warsheekh, Baardheere, Baraawe, Baali, Xiis, Maydh, Qalanquul, Basra, Misra, iyo meelo kale oo aad u fara badan. 

Jaamacadahan iyo Madarasadahaasi waxay ku yaalliin Woqooyiga, Galbeedka, Koofurta iyo  Bariga Soomaaliya, waana kuwo deegaan ahaan aad u kala fog.

Sidaas darteed, waxay Xerta cilmigu kala kulmaan safarro aad u dhaadheer iyo inay ku noolaadaan dhul aan waalid, walaal iyo arxan toona u joogin, wax saad ahna aanay u haysan. 

Laakiin nasiib wanaag arrintaa xertu wax dhibaato ah kalama kulanto, waayo dadka Soomaaliyeed ayaa ah kuwo xerta u xushmeeya una qiimeeya si aan la qiyaasi karin. 

Xerowga cilmiga baranaya kama welwelo noloshiisa inta uu cilmiga baranayo, sababtuna waxay tahay dadka Soomaalida ah ee deggan meelaha Xertu cilmiga ku baranayso, waxaa caado u ah inay ku beretamaan jilista Xerowga, sidaa ayayna Xertu ku dhameystirtaan muddadii loo qorsheeyey waxbarashadooda. 

Arrintaan waxay suura gelisaa in muddo yar kaddib Xertu buuxiyaan doorkii Mucallinnimo iyo kii Sheekhnimo, taasoo dhiirri gelin u sii noqota u xereysiga cilmiga, sarena u sii qaada xurmada iyo xushmada ay dadka Soomaaliyeed u hayaan xernimada muddada yar u xuubsiibaneysa Mas’uuliyadda Mucallinnimo iyo midda Sheekhnimo.

 (6)     SOOMAALIYA IYO MANHAJKA TAYEYSAN:- 

Manhajka tayeysan ee dadka Soomaalidu wax ku bartaan kuma guuleysan oo keliya in culumada Soomaaliyeed noqdaan kuwa aqoon sare oo laga haybeysto u leh Qur’aanka kariimka, Axaadiista Rasuulka (CSWS) iyo Culuumta laga Istimbaadsaday ee Fiqhiga; balse waxay isna mustawo aad u heer sarreeya ka gaareen Adabka Luqadda Carabiga. Taas waxaa laga garan karaa Qasiidooyinka iyo Nadmiyaalka ay culumada Soomaaliyeed allifeen sida:

1-          Qasiidooyinka lagu ammaanayo Ilaaha Weyn ee Waaxidka ah.

2-          Kuwa lagu ammaanayo Xabiibka Ilaahay ee Suubanaheenna Muxammed (CSWS).

3-          Kuwa lagu ammaanayo Ilaahay Awliyadiisa (RC).

4-          Qasiidooyinka Aalada ee Luqada Quraanka, sida Naxwaha, Sarfiga, Balaaqada, Curuudka, Qaafiyada iyo kuwa la midka ah.

5-          Qasiidooyinka ay ka allifeen Culuumta kala geddisan ee diinta Islaamka, sida Fiqhiga, Caqaa’idka, Siirada, Tasawufka iyo culuumta kale ee diinteenna xaniifka ah.

6-          Qasiidooyinka Targiibka iyo Tarhiibka ah ee la isku boorinayo samaynta macruufka iyo reebidda munkarka.

7-          Qasiidooyinka lagu raddinayo Gaalada, Mulxidiinta, Bidcada,  Faasiqiinta,iwm.

8-          Qasiidooyinka layskula boorinayo nooleynta iyo taageeridda xaqa.

(7)     SOOMAALIYA & KAALINTA MADARASOOYINKA 

Madarasooyinkan cilmigu, waxay kaalinta ugu wayn ka qaadanayeen horomarinta nolosha mujtamaca, sida: Aasaasidda iyo ballaarinta deegmooyinka waawayn iyo yaryar intaba. 

Waxaa arrintaan sababayey, marka ay meel ka aas’aasanto Jamaacada diinigu, waxaa ku soo hiranayey dad aad u fara badan. Waayo, waxaa jaamacadda ka ag samaysmayey ceelal iyo rugo ganacsi oo dhala deegaan rasmi ah. Sidoo kale, haddii degaan yar ay ka aasaasanto  madaras ama Jamaacada diineed waxay isku rogaysay  magaalo ballaaran. Sidaas ayeyna ku samaysmeen ama ku fideen inta badan magaalooyinka waawayn iyo kuwa yaryar ee dalka. 

Sidaas oo kale, waxay Madarasooyinkaas iyo Jamaacadahaas dariiqooyinku doorka ugu wayn ku lahaayeen is dhexgalka Ummadda. Waayo  Mushaa’ikhda loo soo xeraysanayo iyo xertuba waxay ka kala imaanayeen qabaa’illo iyo deegaanno kala geddisan. 

Taas waxay kaalin muhiim ah ka qaadanaysey is dhex galka iyo is fahamka bulshada. 

Waxa kale oo culammada diinku doorka ugu muhiimsan kaga jireen hishiisiinta dadka gaar ahaan waqtiyada colaadda. Farsamooyinka culammadu u adeegsan jirtey joojinta dagaalladaas waxaa u muhiimsanaa, laba arrin: 

·              Waa marka koowaade, waxay kala dhex geli jireen qabiilooyinka dagaallamaya markaas ayuu dagaalku dhakhso u joogsan jirey xurmada culammada loo hayo awgeed.

·              Waa tan labaade, ciddii nabadda diida waxay culammadu u sheegi Jireen in Ilaahay jebinayo, aakhirana uga daran tahay oo la cadaabayo. Waxaa qodobkaan labaad cuslayn jiray waxay ahaayeen culumadaas kuwo diinta ku dhowrsan oo ciddii wax ka diidaa calaamad lagu arki jirey. 

Dadku waxay oran jireen dagaalladii way istaageen, oo Sheekh hebel ayaa cimaamadda ku dhex bitiyey;  culammadii ayaa kutub kala dhex dhigtey; waa la fardeyaa ciddii nabadda diida; afar afartaa laga martay iyo halkudhigyo kuwaa la mid ah oo dhammaantood nabadda lagu hirgelinayo, colaaddana  lagu joojinayo. 

Intaas kadib, odayaasha dhaqanka oo isugu jira qayb culammada ka tirsan iyo qayb culammada ku xiran, ayaa u fariisanayey xallinta khilaafaadka, markaas ayey soo saarayeen hishiis loo aayo. 

Hishiiskaas kadib, waxaa soo baxayey, abwaaniin suugaantooda ku taageera go’aannadii wanaagsanaa ee la qaatay. Abwaaniintaas oo inta dagaalladu socdaan iyo kadibba xikmadooda ku taageera culammada iyo odayaasha ku hawlan hishiisiinta. Waxaa aad loo necbaa suugaan yahannada, odayada iyo wadaad lamoodyada ka qayb qaata hurinta iyo taageeridda colaadda. 

Waxaa xusid iyo fahmidba mudan, in xikmooyinkii iyo Maahmaahyooyinkii hore ee Soomaalidu, ay intooda badan waafaqsanaayeen Shariicada Islaamka. Waxaa arrintaas loo aaneeyaa sidii ay Abwaannadii hore iyo mujtamacu ugu xirnaayeen culamadooda. 

Waxaase wax laga xumaado ah, in gumaysatadu diyaarsadeen camiiliin isugu jira shakhsiyaad, hay’ado iyo Bidcooyin oo si gurracan u adeegsata magaca diinka iyo qabiilka, si ay u wax yeeleeyaan qiyamkaas dhaqanka ah ee diintu salka u tahay. 

Haddaba, haddii aan dib ugu laabanno Juhdigii Madarasooyinka iyo Jamaacooyinka diinka, Allaha ka raalli noqdee, culumada Suufiyada  ayaa ah kuwa raadka ugu weyn ku leh. Culumada Suufiyaddu waxay si joogta ah ummadda u siinayeen tarbiyada diinta Islaamka. Waxay Qarniyadii hore illaa iyo hadda ahaayeen hoggaanka faafinta, xoojinta iyo difaaca diinta Islaamka.

Sidaas awgeed, dhammaan arrimahan iyo kuwii ka horreeyey ee aan ka soo hadalnay, waxaa u dulqaadan waayey cadowgii Islaamka ee isugu jiray gaalada gumeystada ah, kuwooda cad, kuwooda madoow iyo caamiliintoodaba. 

Culumaa’uddiinka Soomaaliyeed iyo taageerayaashoodii jeesyada ahaa waxay kala hor tageen jihaad iyo halgan gaalada u akhriyey casharro lama illaawaan ah, sida aad ku arki doontaan fasalkan soo socda.
 

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s