waxbarashada diiniga ee somaliya

Tacliinta Diiniga:
Marxaladdaan waxbarashada dalka ka jirtay waxay ahayd tacliinta diinta. Marka ardaygu gaaro xilliga uu wax karo ayaa markiiba la geyn jirey dugsi quraan si uu yaraanta ugu xifdiyo quraanka kariimka, barashada quraanka oo ah ilaa maanta mid ka jirta deegaannada dalka oo dhan waa mid eebbe ku mannaystay bulshada soomaaliyeed ee muslimka ah waana tilmaanta koowaad ee lagu garto qofka soomaaliga ah oo goobo caalamka islaamka ka mid ah looga yaqaan (Dadkii Quraanka).
Macallinka quraanka bulshada dhexdeeda wuxuu ku leeyahay ixtiraam iyo qaddarin gaar ah iyadoo Goobaha miyiga ah loo xoola gooyo noloshiisana meel la saaro, dhulka beeraleyda ahna waxaa loo diyaariyaa ciidan beertiisa fala. Waxaa jira in marka hore oo macallinka ardayga loo dhiibayo waalidku uu u bandhigayo macallinka una muujinayo in ardaygaas uu la doonayo barashada quraanka kariimka kuna oranayo:( Macallinow Lafta aniga ayaa leh hilibkana adiga).taasi oo macnaheedu yahay in macallinku canaanta waxbaridda aysan ka reebbanayn waana sida uu sharcigu qabo. Barashada quraanka kariimka waxaa laga dhaxlay xikmado fara badan oo ay ka mid tahay mid tilmaamaysa dhawr waxyaabood oo uu ku najaxi karo ardaygu kuna baran karo quraanka si sahlan, waxayna xikmaddu leedahay ( Quraan waxaa lagu bartaa haddii la helo Macallin qaari ah, Arday qaylo dheer iyo waalid wax quura). Tani macnaheedu wuxuu yahay in xilka saaran macallinka oo laga doonayo yahay inuu ardayga waxbaro, tan ardayga oo ah inuu dadaalo iyo midda waalidka oo ah inuu daryeelo ardayga iyo macallinka, waxaa kaloo laga dhadhansan karaa xikmaddaan in loo baahan yahay inay isku xirmaan yeeshaanna xiriir joogto ah ardayga, macallinka iyo waalidkaba si loo xaqiijiyo hadafka ah waxbaridda dhallaanka.
Marka ardaygu dhammeeyo quraanka isla mar ahaantaana uu naqtiimo wuxuu u xeraysan jirey xarumaha cilmiga diinta laga raacdo kuwaasoo u badnaa dhul xeebeedyada, waxaana ka mid ahaa goobahaas Seylac, Warshiikh, Banaadir, Marka iyo Baardheere. Xarumahaan cilmiga waxay soo saareen culumo fara badan oo ka qayb qaatay faafinta diinta islaamka

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s