aragtida culimada ahlusunna iyo xalka somaliya qodobo muhiim ah

DARIIQA XALKA

 

Haddaba si aan u qaadno dariiqa xalka, allaha na qaadsiiyee, si aanay u lumin guushii taariikheed ee aan kusoo ogaannay kitaabka, si aan uga bad baadno marin habawga iyo jallaafada Isticmaarku noo maleegay ee aan ka dabaalan la’nahay waxaa lagama maarmaan ah:-

 

1.    In Ilaahay laga cabsado, lagana fogaado wax kasta oo addoomankiisa wax loogu dhibayo.

2.    In dib loogu laabto taariikhdeedii ummaddan si miisaam garsoor ah loogu helo ciddii wax u dhibtay iyo ciddii wax u tartay; si dadka iska leh taariikhda wax qabad iyo kuwa leh taariikhda gaalo u kalkaal loo kala ogaado looguna kala abaal mariyo.

3.    In si waafaqsan diinteenna Islaamka ee raxmadda ah, loo diyaariyo is-faham wanaagsan oo dhex mara dadka leh aqoonta kala geddisan ee waxtarka u ah Hoggaaminta, Horummarinta iyo guud ahaan wax qabadka ummadda.

4.    In marka laga hadlayo ku dhaqanka Shariicada Islaamka aan la isku khaldin cidda danta gaarka ah ee gurracan ka leh iyo kuwa caqiidada wanaagsan ee Alui-sunna wal-jamaac ee Taariikhda dheer u leh hoggaaminta, ku Dhaqanka, Barista, Faafinta, iyo Difaaca Shariicada Islaamka.

5.    In ummadda laga badbaadiyo Gaswul-fikriga  horseedka u ah hallaynta caqiidada iyo dhaqanka suuban.

6.    In aannu marka ugu horraysaba hanannaa tarbiyada carruurteena, inta aan Iskuulka la gayn; isla markaana lala socdaa marba wixii iska beddeley muddada uu ku jiro waxbarashada aan culamadu gacanta ku hayn, ee duruuftu qasabtay.

7.    In la xoojiyo isku xirka iyo is jeclaysiinta dadka ku midaysan halka madaraso ee diinta Islaamka ee Ahlu-sunna wal-jamaaca, ee ku jooga kuna midaysan jidka Imaamyaalka Afrta mad’hab ee Xanafiyada, Maalikiyada, Shaaficiyada iyo Xanbaliyada.

8.    In la xoojiyo Tarbiyada ruuxiga ah ee Dariiqooyinka iyo Manhajka Xalaqaadka cilmiga ee xeryeheennu wax ku bartaan, lagana bixiyo shahaado caddaynaysa mustawaha aqooneed ee uu arday kastaa leeyahay.

9.    In dadka Ahlu sunnada ah meel kastoo ay joogaan lagu boorriyo inay yeeshaan ducaad aqoon sare leh oo si isku xirraasho ah dunida ugu faafiya caqiidada wanaagsan.

10.                       In aad loo faafiyo kutubta lagu difaacayo caqiidada iyo akhlaaqda suuban ee diinta Islaamka, gaar ahaan kuwa ay qoreen Imaamyaalkii Salafka, Mufasiriintii, Fuqahadii, Xufaadii iyo iyo guud ahaaan imaamyaalkii Ahlu-sunna Wal-jamaaca; isla markaana taariikhda culammada lagu daro guud ahaan Manaahijta waxbarasho ee gacanta lagu hayo iyo kuwa xiriirka lala leeyahay.

 

11.                       In ganacsatada iyo hantiilayaasha Ahlu-sunnada lagu boorriyo inay ka soo baxaan kaalinta kaga aaddan iyo doorka ay ku leeyihin faafinta, noolaynta, iyo difaaca diinta islaamka; lana xusuusiyaa waxa maanta dunida ku faafinaya Kufriga, Ilxaadka, Bidcannimada iyo waxyaalaha la midka ah, in ay yihiin hantiilayaal nasiib darro u yeelatay inay faafiyaan munkarradaas, sidaas awgeed waa in hantiilayasha Ahlu-sunnadu nasiib u yeeshaan faafinta iyo noolaynta xaqa.

12.                       In Madaxda waddammada Muslimka lagu boorriyo inay midoobaan shacabkoodana ku xukumaan Shariicada Islaamka, si ay u guulaystaan Ilaahayna uga raalli noqdo, isla markaana aysan fursad u siin kuwa diinta iyo ummaddaba halista ku ah, kuwaasoo isugu jira kuwa diinta ku gambada iyo gaalada soo adeegsatay.

13.                       In nasiixada madaxda iyo ummaddaba loo maraa dariiqii ay u mareen Salafkii Saalixa ahaa iyo Imaamyaalkii waddadooda maray, ee aan lagu kadsoomin hababka kuwa Bidcada ah ee loo soo diyaariyey inay fool xumeeyaan wejiga Muslimiinta, kuwaaso ruuxoodu isu kala qaybiya qaar xukuumadaha ugu guulwadeeya wax kasta oo ay samaynayaan xataa haddii diinta looga baxayo,  iyo qaar ay u dhiibaan dhuxul aan looga turin xataa kuwii soo adeegsaday.

14.                       In la sameeyo aalado iclaami ah, oo ka tarjumaya caqiiddada wanaagsan, kana howlgala dalka gudihiisa iyo dibaddiisa, kuwaasoo isugu jira Idaacado, Jaraa’idyo, Kutub, Naadiyaal,  Istuudiyaal iwm.

15.                       In dibedda iyo gobol kasta oo gudaha dalka ah laga furo xafiis ku shaqeeya hadafkan aanu soo sheegnay ee Ahlu-sunna Wal Jamaaca.

Muslimiintu meel kastoo ay joogaan Allaha

guuleeyo, Alaha ciseeyo, towfiiq wadajir iyo

midnimo Alaha siiyo,  Nabiga Suuban (CSWS)

Fadligiisa.  Aamiin aammiin aammiin

 

Allaahu Akbar, Allaahu Akbar, Allaahu Akbar; Laa Ilaaha lliallaahu Allaahu Akbar Allaahu Akbar walil Laahil Xamdu.

 

Allaahu Akbar Kabiiran, Wal Xamdu-illaahi Kathiiran, Wa Subxaanallaahi Bukratan Wa asiilan.

 

                                          Wabillaahi Towfiiq

 

                                   Sh. C/risaaq Yuusuf Aadan.

 

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s