dowrkii culimada suufiyada ee HALGANKII KOOFURTA SOOMAALIYA

HALGANKII KOOFURTA SOOMAALIYA Halgamada daba joogay kii Daraawiishiista dhanka koofurta Soomaaliya waxaa ka dhex muuqnayey  culumaa’udiinkii ay ka midka ahaayeen;- 1.          Fadiilatu Sheekh Xasan Barsane (RC) oo hoggaaminayey halgan baaxad weyn oo looga difaacay gumaysatada Xabashida koofurta iyo bartamaha Sooaamliya, laguna guulaystay. 2.          Sh. Sakhaawa-diin Sh. Uways Al-Qaadiri (RC) oo bud-dhig u ahaa halgankii SYL ee xorriyadda Jamhuuriyadda Soomaaliya. Shiikh Sakhaawudiin waxaa awoowgii ahaa Caalimkii waynaa ee Sheekh Uways Bin-Axmed Al-Qaadiri, oo ah mujaddidkii dariiqada Qaadiriyada ee dalka Soomaaliya iyo dalal kale oo u badan Bariga Afrika. 3.          Xertii Sayidii Sheekh Cali Maye iyo mashaa’ikhdii Marka, Lafoole, Jilib-Marka iyo kuwii la midka ahaa oo xeebaha koofurta kala dagaalamayey gumaystadii Talyaaniga. 4.          Sheekh C/rixmaan Mursal geesigii Suufiga ahaa ee hoggaaminayey halgamadii ka dhacay Jubbadda Dhexe, Jubadda Hoose ilaa xuduuda Kenya ee 1922-dii. 5.          Sheekh Bashiir iyo Xaaji Faarax Oomaar oo ka dhex muuqanayay halgankii Waqooyiga Soomaaliya. 6.          Cadiyatu-Raxmaan oo ahaa dhaqdhaqaaqii culumaa’udiinka waqooyi ay aasaaseen 1934-tii. 7.          Sheekh Cumar Askar oo hoggaminayey halgamayaashii gobonnimada Waqooyi ee Soomaaliya ee SNL 1958-dii.   Halgamada ummadda Soomaaliyeed ee ay hoggaminayeen mashaa’ikhda sare ku xusan iyo kuwo kaleba wuxuu ku sii kordhiyey maamulladdii gumaysiga xanuun, qasaare naf iyo maalba leh. Taas waxay ku kaliftay inay dib uga fakeraan tabahooda gumaysi maadaama ay adkaatay in la sii joogo dalka Soomaaliya.   Waxaa arrintaan garab socday halgamo dadyow badan oo dunida la gumaysto ka mid ahaa oo iyana ay ka wadeen dunida afarteeda jiho; halgamadaas oo cuslaynayey in gumaystuhu fakar kale la yimaado.   Si arrintaan xal loogu helo, wuxuu gumaystuhu la yimid fakar ah inuu ka baxo Soomaaliya muuqaal ahaan laakiin Adeegayaashiisu u sii wadaan danihiisa. Taas waxaa weeye in la gaarsiiyo Soomaaliya wax lagu sheegay xorriyad laakiin ah hab cusub oo gumaysi ah.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s