jihaadka somaliya iyo culimada suufiyada

JIHAADYADII CULAMMADA QARNIYADII 19&20-AAD 

Sida aad taariikhda ku soo ogaateen wixii ka danbeeyey jihaadyadii gumaysatada casharka loogu akhriyey ee uu hogaaminayey Axmed Guray muddo qarniya ah wey ka soo kaban waayeen gumaysatadu; hasa yeeshee waxaa marba marka ka dambeysa soo xoogaysanayey awooddii reer yurub. 

Markasta oo awoodda yurub gobolka ku soo korortana waxaa badanayey taageeradii ay u fidinayeen maamulkii Xabashida si ay isaga kaashadaan daminta ama hakinta ileyskii Islaamka ee ka ifayey Geeska Afrikada Bari. 

Taageeradii reer yurub kula safnaayeen gumaystada Xabashida wuxuu u suura geliyey:-

·              In ciidankii Minilik oo ay garab socdaan ciidankii gumaysatada Talyaaniga ay qabsadaan magaalada Harar sanaddii 1887; taasoo ahayd saldhig ka mid ah saldhigyadii ugu muhiimsanaa turaathka Islaamka.

·              In gumeysatada Ingiriisku ay boqortooyadii Xabashida gacanta u geliyeen dhammaan dhulkii galbeedka Soomaaliya.

·              In gumaysatadii reer yurub ku marti geliyeen Xabashida hishiiskii qaybsashada Afrika ee Baarliin 1884kii. Hishiiskaas oo ku danbeeyey in dalkii Soomaaliyeed loo qaybsado 5- shan qaybood. 

Inkastoo cadowga Islaamku isu soo bahaysteen mandiqadan, haddana marna ma joogsan halgankii gumeysi diidka iyo diin difaaca ahaa ee ay hoggaaminayeen culumaa’uddiinkii Soomaaliyeed ee Ahlu-sunna wal-jamaaca. Guulihii culammadu sababeen waxaa ka mid ahaa inuu mslimo boqorkii Xabashida ee lij  yazu. 

Boqorkan waxaa dhashay gabar uu dhalay boqorkii Xabashida ee Minilik, wuxuuna xkunka Itoobiya la wareegay 1913-kii markii uu dhintay Minilik. Boqor leej (lyazu  Alaha ka raalli noqdee) wuxuu  Ilaahay nasiib uga dhigay inuu muslimo calankii Itoobiyana uu ku qoro Towxiidka. 

Boqor Ilyaasu wuxuu Muslimiyey dad madax u badan oo reer Itoobiya ah, waxaana madaxdaas ka mid ahaa Aabihii oo madax ka ahaa gobolka Wallo. 

Boqor Ilyaasu intaa kuma ekeysane wuxuu la xiriiray geesiyaashii Soomaalida ahaa ee gumeysiga kala dagaallamayey gudaha dalka Soomaaliya. Wuxuu boqorku fidiyey taageero milateri iyo mid dhaqaale isagoo qoray 15 kun oo Soomaali ah oo uu u xilsaaray difaaca diinta. 

Islaamanimada boqorkan iyo tallaabooyinkii uu qaadayba waxaa lagu tiriyaa qayb ka mid ah mirihii ka dhashay halgannadii ay hoggaaminayeen culumaa’udiinka Soomaaliyeed, waxaana arrintan si dheeraad ah loogu ammaanaa dadaalkii uu hawshaan ka geestey geesigii suufiga ahaa ee reer JIDLE Shiikh Maxamed Khaliif. 

Mar kasta gumaysatada reer yurub xog ogaal ayey ka ahaayeen inay Soomaaliya ka jirto awood ruuxi ah oo aan la loodin Karin. Waxay sidoo kale weligoodba aaminsanaayeen inay awooddan karaamaysani khatar ku tahay Imbaridooriyaddii Kirishtada ee Ioobiya iyo danaha kale ee gumaysatadu ka leeyihiin goobo badan oo ka mid ah geyigaan iyo caalamkaba. Sidaas darteed, ayay gumaysatadu si dheeraad ah bartilmaameed uga dhigteen Soomaalida, markii ay u fadhiyeen shirkii lagu qaybsaday Afrika ee Soomaaliyana shanta qaybood laga dhigay.

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s