kitaab kahadlay maxaakiimta islaamka oo uu qoray shiikh cadbrisaaq yuusuf aadan

« Fursadda 6aad
Khilaafka Hoggaamiyaasha
Fursadda kale ee ay ka faaiídaysteen midawga wahaabiyadu waxay ahayd khilaafka iyo is aamin la’aanta aan xalka lahayn ee muddada dheer u dhexeeysey hoggaamiyaalkan.
Wahaabiyadu gacan fiican ayey ka gaysteen kala fogaanshaha hogaamiyaalka iyagoo ka faa’iidaysanaya wacyi yaridooda hoggaamineed. Shir kasta oo ay ku hishiin waayaan wuxuu fursad u noqonayey wahaabiyada.
Si ay uga gaaraan hadafkooda marba qayb ayey la safanayeen, gaar ahaan kuwa markaas looga itaalka roonyahay qabqablanimada.
Markii ay dareemaan isu soo dhawaanshaha hoggaamiyaasha waxay u muujinayeen taageero laqdabadu u dhammays tiran tahay.
Isla markaaba waxay si degdeg ah u billaabayeen tillaabooyin ay ku jillaafaynayaan isu soo dhowaanshaha. Waxaan tusaale ka dhigan karnaa hishiiskii loo yiqiiin Hishiiskii Qaahira.
Hishiiskan waxaa wada gaaray hoggaamiyaal Soomaali ah oo ay hormuud u ahaayeen kuwii muqdisho. Hishiiskaan aad ayey uga naxeen wahaabiyadu, waxay u arkeen in ay ka dhalan karto awood hoggaamin, gaar ahaan gobolka banaadir.
Bishii 6-aad 1997 Meel kastoo ay Xamar ka joogeen waxay taageereen hishiiskan, waxay hoggaamiyaashoodu idaacadaha iyo wargaysyada ka baahiyeen oraahdoodii ahayd :
“waxaan taageersannahay geeddi socodka nabadeed ee ay wadaan Xuseen Caydiid iyo Cali Mahdi, dadweynaha soomaaliyeedna waa inay taageeraan guushaas”.
Taageeradaan oo kale waxaa soo wada saaray Cornel Xasan Daahir Uweys oo ku saxiixay magaca ururka Al-Ictisaam oo lagu beddelay magacii Al-itixaad iyo Yuusuf Cali Caynte oo ku saxiixay ururka al-ikhwaanul-muslimuun.
Dhanka kale, waxay ka wadeen abaabulka sidii ay afka ciidda ugu geli lahaayeen hishiiskan ay u tageereen habka munaafaqnimada ah.
Sidaas awgeed waxay isla markiiba billaabeen samaynta maxkamaddii ifka xalan ee lagu furayey magaca beesha Cayr, iyo xoojinta maxkamaddii shirkole oo lagu furay magaca beesha Sulaymaan.
Waxaa xusuus mudan, Mar kasta waxay samaynta maxkamadahan billaabaan marka ay doonayaan inay carqaladeeyaan barnaamij noocaan oo kala ah. Sidoo kale waxay samaynayeen qalqal gelinta ammaanka iyo dhiirra gelinta isbaarooyinka si ay ugu guulaystaan fashalinta hishiiska iyo in loo baahdo maxkamadahooda.
Haddii culammada ama wax garadku sheegaan khaladaadka habka loo diyaarinayo maxkamadahan diin ahaan iyo xag kastaba, waxay wahaabiyadu ku dhawaaqayeen: waxay diidayaan horumarka qabiilkeenna!, waxaa soo dirsaday reer hebel iyo erayo kale oo lagu kicinayo dadka garashadoodu hoosayso.
Kicinta caadifaadda qabiilka ee wahaabiyadu adeegsanayeen Waxaa fursadaha ugu badan siinayey khilaafka iyo kala fogaanshaha hoggaamiyaasha waayo khilaafkoodu wuxuu door weyn ka qaadanayey sii aamminsanaanta qabyaaladda iyo hishiis la’aanta ummadda.
Hoggaamiyaasha kooxuhu waxay ku fashalmeen hishiisyo badan oo inta badan lagu qabtay dalka dibaddiisa, hishiisydan waxaa ugu danbeeyey kii Embegathi ee dalka kenya.
Hishiiskan waxaa mooddaa inuu ka raja roon yahay kuwii hore, waayo waxay hoggaamiyaashu ku soo dhisteen dawladda ku meel gaarka ee Federaalka Soomaaliya.
In kastoo ilaa iyo hadda aanay ka muuqan ka faaiidaysiga fursaddaas oo ay durbadiiba muujiyeen khilaaf dhexdooda ah.
Markii dawladdan la dhisay Sidii caadada u ahayd wahaabiyadu waxay boorka ka jafeen maxkamadihii ay awelba ku soo beegi jireen marka ay dareemaan maamul lagu samayn karo awood dawladnimo.
Waxaa la ogsoonyahay in maxkamadaha wahaabiyadu aanay wax macna ah lahayn markii lagu dhawaaqayey dawladda fadaraalka Somalia.
Intaas waxaa u wehliyey mar kale ayey wahaabiyadu heleen fursaddii ay ka faa’iidaysan jireen ee khilaafka hoggaamiyaasha; waxaa markiiba is afgaran waa ka dhex dhashay hoggaamiyaashii muqdisho oo wasiirrada ka noqday dawladii federaalka iyo madaxweynihii dawladda C/llaahi Yuusuf Axmed.
Si ay u kala firdhiyaan sidii caadada u ahayd, wahaabiyadu waxay soo dhoweeyeen xiriirna la sameeyeen wasiirradii gadoodsanaa iyagoo adeegsanaya magaca qabiilka hawiye. Qaar ka mid ah hoggaamiyaalkan iyo wahaabiyadu waxay horay u wada sameysteen ururkii ay ku magacaabeen Samata bixinta.
Arrintan waxaa la sheegaa inuu kaalin mug weyn ku lahaa madaxweynihii dawladdii Carta C/qaasim Salaad xasan, oo dana badan ka lahaa dibin-daabyaynta dawladdii fadaraalka iyo taageerada wahaabiyada al-itixaadka.
Intaa kadib hoggaamiyaalkii kooxuhu waxay horseed ka noqdeen isbahaysigii la magac baxay la dagaallanka argagaxisada, waxayna la dagaallameen huwantii la baxday midawga maxaakimta.
Dagaalkaas waxaa ka ka muuqanayey raadkii ka dhashay khilaafkii iyo is aamin la’aantii horay u halakeeyey hoggaamiyaalka kooxaha. Ma jirin hal dagaal oo ay isula galeen si wada jir ah, taas ayaana ka mid ahayd waxyaalaha lagu tiriyo guul darradii kala eridey iyo fursadihii al-itixaadka iyo shababkooda.
Sidaas darteed, khilaafka iyo heshiis laáanta hoghgaamiye kooxeedyadu ma ahayn oo kaliya caqabad ka mid ah heshiis la’aanta Soomaaliya, balse waxay noqotey fursad ka mid ah sababihii looga adkadey.
la soco

W/Q Guddoomiyihii ahlu-sunna wal-jamaaca (Somalia)
Sheekh Cabdirasaaq Yuusuf Aadan

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s