MARIN HABOWGII HALGANKA umadda somaliyeed

MARIN HABOWGII HALGANKA 

(1)     MARIN HABAWGII 

Sida aad taariikhda ku soo ogaateen inta cilmiga lihina ka dhereg sanyihiin, dalka iyo dadka Soomaaliyeed waxaa soo hoggaamin jiray  culumaa’udiinka Ahlu-sunna Wal Jamaaca; waana arintaas midda sababtay in markasta gumeysatadu ku soo hungoobaan dalka Soomaaliya laga soo bilaabo 615-tii miilaadiyada, oo ah waqtigii dalkeena diintu soo gaartay, ilaa 1950-kii oo dhan 1335 sano.

Arrintani ma aha mid ku kooban Soomaaliya oo keliya, ee waddan kasta oo ka mid ah waddamada muslimiinta waxaa gumeysatada gaalada ah lagaga hortagayey halgan ay hormood ka yihiin culamadii suufiyada ahayd  ee Ahlu-sunna wal Jamaaca. 

Si dhabarka looga wiiqo looguna khatimo fashal halgamadii taariikhiga ahaa ee ummaddaan wuxuu gumaysigu qorsheeyey xeelad cusub oo aan ugu magacdaray MARIN HABOWGA UMMADDA

Gumaystuhu wuxuu gartay waxa hortaagan inuu yahay manhaj caqiiddo diineed adag leh; inta ay taasi jirtana aanu ka lib keenayn howlihiisa masalo habaabin. Sidaas darteed, wuxuu gumaystuhu ku saleeyey qorshihiisaas in la sameeyo dowlad dadku Soomaali yihiin, laakiin ku shaqaysa  manhajka gumaysiga si loo gaaro yoolka gumaystada. 

Gaarista iyo fulinta qorshahaan marin habaabinta ah wuxuu gumaystuhu ka shaqaynayey muddo dheer oo kala qaybsan; si aan u fahamno waddada uu u soo maray fulinta qorshahaan aan la jaan qaadno qayb kasta qaabkii uu u fuliyey

 

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s