taariikhda midkamida ahaa mashaa’ikhdii usoohalgantay diinta iyo dalka somaliya Shiikh Abuubakar Sh Nasru-Diin.

Shiikh Abuubakar Sh Nasru-Diin.

Sh. Abuubakar Sh. Nasru-diin bin Axmad wuxuu ka mid ahaa immaamyaalkii hogaaminayey halgankii Imaam Axmad Amiirka ka ahaa. Waxay kutubta Sheekh Abuubakar wax ka qortay sheegeen in uu ka mid ahaa Owliyada Ilaahay ee Saalixiinta ah. Wuxuu  Sheekhu caan ku ahaa akhrinta Qur’aanka Kariimka ah iyo culuumta la xiriirta.

Waxay yiraahdeen raggii wax ka qoray sheekhu hadii uu socdo, hadii uu fadhiyo, hadii uu safar yahay iyo mar kastaba wuxuu muslimiinta mujaahidiinta ah bari jirey culuumta Quraanka Kariimka. Sheekhu wuxuu ahaa Khadiibkii, Imaamkii  iyo Muddariska Muslimiintii jihaadka waday. Sheekh Abuukar mar kasta oo uu Mujaahidiinta tujinayo wuxuu salaadda dhexdeeda ku akhrin jirey Aayadaha ka hadlaya dagaalka gaalada iyo kuwa cadaynaya fadliga uu jihaadku leeyahay. Sheekhu waxaa lagu magacaabi-jirey Faqiihii Weliga ahaa iyo Muftigii Muslimiinta ee Saalixa ahaa, sida uu sheekh shahaabu-diin ku caddeeyey kitaabkiisa.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s