taariikhda somaliya iyo daraawiishta

Waxaa kaloo dacaayadahaas inay fidaan fursad siiyey arrimo dhowra ah sida:

1.          Waxaa jirey kooxo ka mid ah ciidamada Daraawiishta oo ku ka cayey falal gurucan oo dhan ka ah hadafka halganka Daraawiishta; falalkaas oo loo nisbeenayey inuu Sayidku ka dambeeyey ama soo amray.

2.          Waxaa kaloo Sayidka mararka qaar ka dhacayey tallaabooyin ama ereyo aan haboonayn, taasoo ay ugu wacnayd weeraro had iyo jeer uga imaanayey dadkii kasoo horjeedey sida duulaanno lagu soo qaado, gabay xun oo loo soo diro ama ra’yi qaldan oo dad taageerayaal ah u soo gudbiyaan.

3.          Sidoo kale, xilligii dowladnimada waxaa jirey qoraallo iyo buunbuunino kala duwan, kuwaasoo ay dadka badankiis u arkayeen in arrintaani tahay mid ku dhisan hab qabiil.

Si kastaba ha ahaatee, waa lagama-maarmaan inaan lagu kedsoomin nidaamka  ay caanka ku yihiin  Gumaysatada, iyo Bidcooyinka. Qaabkaas wuxuu yahay in ay si xadka ka baxsan u buun-buuniyaan, weji kalena u yeelaan khilaafaadka iyo xurgufta mararka qaar ka dhex dhaca dadka ay ka dhexayso midnimo dhan kasta ah.

Nasiib daro ayay ku tahay ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan culamadeeda in sharafka taariikheed ee Sayid Maxamed C/le Xasan oo ah mid aduunka laga og yahay lagu baabi’iyo qaldaad dhici kara mararka howl-galkaan ciidan oo kale socdaan iyo waxyaabo inta badan been abuur ah.

Mida kale, haddii aanu aqrino taariikhda Islaamka hoggaamiyayaashii iyo geesiyadii guulaha Islaamka u kala dambeeyay, ma waxay dhammaantood ahaanyeen kuwa aan wax qalad ah ka dhicin?  mawaxaan baabinaa, tirtirnaa, fool xumaynaa, halyeey 21 sano diinta, dadka iyo dalka ka difaacayey gumaysatadii  Ingiriiska, Talyaaniga,  Xabashida.

Dadkeenna waxaan ku waa ninayaa in ay Ilaahay ka cabsadaan, ayna qaataan amarkii Rasuulka (CSWS) ee na farayey  in dadkeena caqiidada wanaagsan aan sheegno wanaagooda, ee aynaan sheegin xumaaantooda .

Markii aan da’dda yaraa waxaa la ii sheegi jirey in uu Sayidku hal goob ku laayey sagaal nin oo awoowayaal kay ah.  Kuwa waxaa sheegaya waxaa ku haboonayd in ay sheegaan kumannaankii uu gumaysatada  ka laayey iyo wixii uu hanti iyo barnaamij ka buburiyey.

Sidoo kale, kuwa sheegaya  gabayada ay sheegeen  inuu Sayidku qabiillo iyo shakhsiyaad ku caayey  maxay u sheegi waayeen gabayada faraha badan ee uu ugu hiillinayo diinta Islaamka iyo ahal-keeda, uuna kula jihaadayo gaalada iyo cawaankeeda Sida:-

1.          Gabaygii uu ka tiriyey sarkaalkii ciidamada ingiriiska ee  kofil markii ay Daraawiishtu dishey isagoo hoggaaminaya ciidankii gumaysatada ee Daraawiishta ku soo duuley.

2.          Tixdii uu ingiriiska ugu jawaabay, markii ay yiraahdeen soo dhiib hubkii askarta ingiriiska ee laguula soo galay.

#       Anigoo ifka xayi ku ah                                  oon iilka laygu xabaalin

#       Dhulkaygood xaragooto                                xaaraan bay noqotaaye

#       Xaniinyo laysma dhibaadsho                        xirxiro oo wayga digniine

#       Berito waa xarbi wayne                                  xoogaagu yaanu ku ciilin.

3- TIXDIISII AHAYD .

^       mawaacida diinkii                                         ma wax laysku maagaa

^       jihaadka mowsim-kii galay                            ma wax laga maqnaadaa

^       mushaarka beentihi                                       ma wax lagu mannaagaa

^       luxud kii madoobaa                                       ma lays moogadeeyaa

^       gaal nin u madiidimay                                   maqaam  naara inuu tegi

^       kutubtaa u maragee                                       ma wax lagu murmaabaa

4- TIXDIISII AHAYD

@      nin dalkiisa sirayaa                                         silac bow u dambeeya’e

@      sasab waan ka dhaartoo                                sirimaayo diintee

@      ilaa sawjar uu kaco                                         dhigimaayo seefta’e

 5-     TIXDIISII AHAYD

§                    Nin dalkiisa iibsaday                                       duli buu waariyoo

§                    Ninkii galka daba gala                                     darxumowdanbaynoo

§                    Digtoonaada waligiin                                       dunidu waarimaysee

§                    Dadkii idinka weynaa                                       haday idin duleeyeen

§                    Danbi kama ay yaabine                                  cuntay idinka doorteen

§                    Duunyaa ladhaafsaday                                   dugsigaad geleyseen

§                    Dameerkuuna ma yeeleen                             halkay talo ku daayeen

§                    Dab intay shideenbay                                     dalaq idinku siiyeen

§                    Doox intay qodeenbay                                   ciid idinku daadsheen

§                    Nin idiin damqanayaa                                     idinkama danbeeyoo

§                    Hadaydnaan digtoonaan                                daad bay din qaadiye

§                    Dullowdada kufaartaa                                     dacas idinku laynoo

§                    Naf dilkaaga dooni                                          firaash looma daadshee

§                    Dabkanan shidayaa                                        daawadiinna weeyee

§                    Dariiqii Rasuulkiyo                                          dawga hawga bayrina

6 – GABAYGIISII AHAA : 

§                    Doodna waxan u leeyahay dadkeer                hadalka dayn waayey

§                    Niman yahow damiinnimada                          waa lagu dulloobaaye

§                    Dadku waxuu jeclaystaa waxaan,                  duxi karaacayne

§                    Dagaalkii nasaarada anaa                              daalib ku ahaaye

§                    Daliilkii Rasuulka anaa                                    doonay oo helaye

§                    Anaa diidey maantuu lahaa                            deeqan iga hooye

§                    Diinkayga anigaan ku gadan                          dabqi naareede

§                    Anaan labada daarood tan hore,                    daraja moodayne

§                    markay duushay gaaladu  anaan                    daabbaduu rarine

§                    goortay dareeraan anaan                               diiradduu qabane

§                    anigaan dariiqyada waddada                         dawga sii marine

§                    anigaan dillakiyo ardiga                                 duubiguu xirane

§                    anigaan dariiqa alliyo                                     diinta caasiyine

§                    dadyow maqal dabubtaan ku iri                      ama dan haw yeelan

§                    ama dhaba darooryiba jiraye                           doxorka yeelkiisa

§                    nin rageey dardaaran u tahaye                        doqon ha moogaado

§                    dawo lagama helo gaal hadaad                       daawo dhigataane

§                    waa idin dagayaa kufriga                                 aad udabcaysaane

§                    dirhamkuu idin qubahayaad,                            dib u go’aysaane

§                    marka hore dabkuu idinkuu dhigi                     dumar sidiisiiye

§                    marka xigana daabaqadda yuu                        idin dareensiine

§                    marka xiga dalkuu idinku oran                         duunyo dhaafsade’e

§                    marka xiga dushuu idinka rari                          sidii dameeraade

§                    mar hadan dushii adari                                  iyo iimeey dacal dhaafay

§                    maxaad igaga digataan                                  beruu siinla soo dagiye

Sayid Maxamed C/lle Xasan halgankiisa, cilmigiisa, iyo abwaanimadiisa intuba waa turaath iyo taariikh ay ummaddu leedahay, waxaana xaqiiqa ah in gaaladu aad ujeceshahay wax kasta oo wax loogu dhimayo taariikhdiisa iyo taariikh kasta oo ay halyeeyada Islaamku leeyihiin. 

Waxaa kale oo xusid mudan in halgankii Daraawiishta iyo halgamadii ka horreeyey sida kii Axmed Gurey ay jireen arrimo ay wadaageen iyo kuwo ay ku kala duwanaayeen;

Waxay isaga ekaayeen:- 

1.          Labada halgan waxaa lagaga hortagay cadow gaalo ah.

2.          Labada halgan waxaa hogaaminayey culumado Soomaaliyeed oo Sunniyiin ah.

3.          Labada halgan markii lagu jiray gaaladu way isi soo kaashanayeen oo waa wada jireen.

Waxay ku kala duwanaayeen:

1.    Halgamadii hore muslimiinta way midaysnaayeen guud ahaan, halka waqtigii Daraawiishta Soomaali badan ay ahaayeen caamiliinta gaalada; arrintani waa midda sababtay gabayo badan oo lagu xumaynayo Sayidka iyo Daraawiishba..

2.    Mudadii halgamadii hore waxaa jiray dowlad Muslim ah oo xoog leh (Cusmaaniyadii) taas oo xagga saanadda iyo farsamadaba kaalmo laga heli jiray, halka daraawiishta halgankeedu aanu jirin dowlad Islaama oo gacan ka gaysatada.

3.    Mudadii halganka Daraawiishta baaxadda ciidanka gaalada aad ayuu u weynaa, taasna waxaa sahlay farsamada gaaladu ka gaarsanayd xilligaan xagga gadiidka kala duwan. Arrintaan waxay sababtay in gaalada ay ka keenaan ciidan cawaankeeda ah Koofur Afrika, Bariga Afrika, Aasiyada dhexe iyo midda Bari, iwm.

Inkastoo Sayidkii la jabiyey, haddane  waxaa laga dhaxlay ugu yaraan afar arrimimood oo raad weyn ku reebay Soomaaliya iyo gumaystayaashaba:

1.          Gumaysatada waxay kala kulantay Sayidka qasaare naf iyo maalba leh oo ayan marna filayn. Waxaa kutubta taariikhda si weyn ugu xusan in dowladda Ingriiska oo hormood ka ahayd duulaankaan lagu soo qaaday Daraawiishta ay in muddo ah ka doodaysay inay ka baxdo Soomaaliya maadaama qasaare mooyaane aan wax faa’iido ah kala kulmin.

2.          Naafada halkaan kasoo gaartay waxay nuglaysey gumaystihii waxayna u sahashay halgamayaashii Sayidka ka dambeeyey inay 1960 dawlad gaarsiiyaan qaybo ka mid ah Soomaaliya.

3.          Dadkii Soomaaliyeed oo waaci ku noqday tabaha cusub ee gumaysiga; taas oo sababtay in halgankii uu halkiisii kasii socdo dhowr sana oo hakad ah ka dib.

4.          Halganka Sayidka oo noqday taariikh iyo turaas lagu faano oo ku biirey halgamadii sharafka lahaa ee ka horreeyey.

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s