taariikhda somaliya iyo kaalinti culimada suufiyada oo kooban

Dulmar Kooban  Halgamada sare ku xusan 

Halgankii  jihaad ee Axmed guray iyo kaaliyaashiisa Ahlu diinka ahaa ee isdaba joogay waxaa lagala soo dhex bixikaraa dhowr qodob oo muhiim ah:- 

·              Halgankaas waxaa waday oo hormood ka ahaa culumaa’udiinka  Soomaaliyeed iyagoo hogaaminayey diinta, dadka iyo dalkaba.

·              Gumaystuhu sooma galin dalka Soomaaliya illaa bishii Feberaayo 1887, markaas oo ciidamada Xabashida iyo Talyaanigu xoog ku qabsadeen magaalada Harar; waxaa xusid mudan in xilligaan 1887 uu ahaa markii ay soo taagdarrayday dawladdii khalaafada islaamka ee Cusmaaniyada.

·              Dawladdaas Cusmaaniyada markay gacanta ku dhigtay Qusdandiin (Istanbuul) sanadkii 1453 Miilaadiyada ilaa 1871 Miilaadiyada waxay awood u lahayd difaaca diina Islaamka. Sidaas darteed, Amxaarada waxaa soo raacay Talyaaniga, Soomaalidana cidna. Dad laysugu tagay oo aan taageero helin. Waxaa kaloo xusid mudan xilligaan 1887, ee Amxaarada iyo talyaanigu qabsadeen harar wuxuu 344 saddex boqol afartan iyo afar sano ka dambeeyey geeridii Imaam Axmad Gurey.

·              Kuma guulaysan gaalada iyo cawaankeeda inay caburiyaan oo tirtiraan diinta Islaamka; balse siweyn ayey u hana qaaday illaa iyo maantana u fidaysaa.

·              Waxay ummadda Soomaaliyeed ka dhaxleen halgankaan  sharaf taariikheed oo aan marna duugoobayn, laguna faano

 

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s