taariikhda ururada diinga ee somaliya

 

Qayta 2aad: Silsilada Taariikhda Ururada Diiniga Ah Ee Soomaliya.

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Baraarugii Diinta Islaamka Ee SoomaliyaIyadoo noloshu ay sidaas tahay, markii la qaatay xornimada kadib waxa bilowday socdaalo waxbarasho oo ardaydu ay ku aadaan wadamada Muslimiinta ah gaar ahaan wadanka Masar oo Somaliya xiriir fiican lalahaa xiligii xornimo raadinta. Sidoo kale wadamada Sucuudiga iyo Suudaan waxa aaday arday fara badan waxbarasho nooc walba lehna u raadsaday. Taasi waxay keentay in waxbadan la fahmo iyo in kutub badan oo aan horay u oolin Somaliya lasoo galiyo. Cilmigii iyo cibaadadiiba kor ayay u kaceen. Culumadii kasoo noqotay dibada waxay camireen masaajidii firaaqada ahaan jirtay, waxayna kasoo buuxiyeen dhalinyaro iyo dumar farabadan. Odayaashii Dariiqooyinka Suufiyadana waaga ayaa ku baryay oo waxay u muuqdeen niman saldanadoodii diinta lala qaybsaday, waxayna bilaabeen qaylo dhaan iyo dacaayad ay uga hortagayaan dhalinyarada dibadaha kasoo laabatay. Waxayna shacabkii iyo dowladiiba u sheegeen in diin cusub dalka lasoo galiyay, laakin taasi ma hakin xowligii baraaruga dhalinyada ee diinta Islaamka.Culumada dibada kasoo laabatay hal cilad oo ilaa iyo maanta xal loo waayay ayay dalka soo galiyeen, waana ciladda aan darteed buugan u qorayo. Waa cilada ururada Diinta. Waa cilad abuurtay kooxaysi xisbiyo diimeed iyo tartan ku dhisan xukun raadis, oo urur walba uu u xusul duubayo inuu isagu noqdo ururka diinta Islaamka ku xukumaya dalka. Haddii ururka kale uu uga hormaro kursiga xukunka Soomaliyana waxa muuqata inaysan ururada kale ogolaan doonin, xataa haddii ururka kursiga fuulay uu kitaabka Quraanka wax ku xukumayo. Waxaana tusaale la taaban karo u ah arinkaas ururka Al-Islaax oo ka carooday lixdii bilood ee golaha Maxaakimtu ay koonfurta Soomaliya maamulayeen kana qoray qoraalo ay uga soo horjeedaan Maxaakimta maadaama rag ururkooda aan ahayn ay gacanta ku hayeen hogaanka sare ee Maxaakimta. Halkasna waxa kasoo baxay in ujeedada dhabta ah ee ururada Islaamiga ah ay tahay kursi ee aysan raadinayn ku dhaqanka shareecada Islaamka. Faahfaahinta hoose ayaan kusoo bandhigi doonaa cadaymaha arinkan.Ururkii Ugu Horeeyay Somaliya: Jameeca Islaamiya. Wadaadkii ugu horeeyay ee Soomalidu ay wada taqaano, oo bilaabay baraarujinta qaladaadkii ay diinta ku wadeen dariiqooyinka Suufiyadu wuxu ahaa Sh. Nuur Cali Colow oo casharo ka bilaabay gobolka Mudug, magaalada Gaalkacyo. Halkaas oo ahayd meesha ugu adag ee dariiqooyinku ay saldhigyo waawayn ku leeyihiin. Sh. Nuur wuxu si aad ah awooda u saaray ka digidda Shirkiga oo ah in Ilaahay wax lala wadaajiyo inta uu abuuray. Wuxu cadaymo muuqda ka keenay quraanka aayado faro badan oo Rabi uu uga digay dadka inay cid aan isaga ahayn, baryaan, magan galaan, irsiq waydiistaan, ilmo waydiistaan, gargaar waydiistaan, ka cabsadaan, wax ka rajeeyaan. Culumadii Mudug oo ka carootay dacwada noocaas ah, waxay weerar ku qaadeen Sh. Nuur Cali Colow iyo ardaydiisii, waxayna u bixiyeen magacyo ay ka mid ahaayeen Bidco iyo Wahaabiyo. Ugu dambayntii Sh. Nuur waxa laga soo ceyriyay Mudug, wuxuna yimid Muqdisho oo uu ka bilaabay dacwadiisii. Waxana ku liibaanay dacwadaas kumanaan qof oo ka haray baryadii iyo magan galkii Awliyada iyo qabuuraha. Sh. Nuur ha lahaado qaladad diini ah, laakin wuxu ka nabad galay ciladda aan kor kusoo sheegnay oo ah kooxaysiga iyo ururada diinta. Ma uusan abuurin urur, mana uusan ka mid noqon urur horay u jiray inta aan ka warqabo. Xiliga uu dacwadaan bilaabay Sh. Nuur waa xiligii dowladda Rayidka ee dhamaadkii lixdameeyadii.Wadaadka labaad ee qayb wayn ka qaatay baraarujinta umadda Soomaliyeed gaar ahaan dhalinyada wuxu ahaa Sh. Max’ed Macalim, oo wax kusoo bartay jaamacadda Azhar ee magalada Qaahira, Masar. Wuxuna tafsiirka Quraanka ka bilaabay masaajidka Maqaamka ama Sh. C/qadir ee ku yaala xaafada Xamar Weyne, dhamaadkii lixdameeyadii. Isagoo maraya dhamaadka tafsiirkisa aya waxa dalka ka dhacay afgambigii ciidamada waxana dhashay Kacaankii 21 Octobar 1969. Sannadkii 1970 ayuu mar labaad kor kasoo bilaabay tafsiirka Quraanka waxana ku soo xirmay dhalinyaro faro badan oo la oran karo waxay noqdeen culumada mustaqbalka dacwada Somaliya, qaar badan oo ka mid ahna ay hada ka dhex muuqdaan Midowga Maxaakimta Soomaliyeed oo xusul duubka ugu jira kursiga dowladnimada Soomaliya. Sh. Max’ed Macalim wuxu la yimid Somaliya fikradda siyaasiga ah ee ururka Al-Ikhwaan Al-Muslimiin inkastoo uusan ka dhisin Somaliya urur-siyaasadeed leh xubno gooni ka ah dadka intiisa kale hadana waxa laga soo xigtay inuu xubin buuxda ka yahay ururka Ikhwaan Muslimiinka Dowliga ah ee laga xukumo Masar isla markaana ah urur qarsoon oo aan laga ogolayn dalka Masar. Wuxuna si muuqata u taageeri jiray urur diimeedkaas, wuxuna ka sheekayn jiray qaab dhismeedka ururka Ikhwaanka iyo dacwadooda kursi doonka ah.Taasi waxay keentay in qaar ka mid ah dhalinyaradii dhagaysan jirtay casharka Sh. Max’ed Macalim ay xadaan Shiikha fikradii uu keenay ayna ku dhiiradaan inay dhisaan urur-diimeed u dhisan qaabka Ikhwaanka Masar. Sida aan sheegnay Sh. Max’ed wuxu ka dabqaadan jiray dacwadda Ikhwaanka Masar oo ujeedadoodu ay ahayd qabashada kursiga madaxtinimada Masar, si ay u gaaraan kursigaasna manhajka Ikhwaanku wuxu ku salaysnaa inaan shacabka loo sheegin waxyaabaha ay dhibsanayaan loona daayo khuraafaadka iyo bidacda qaarkeed si aysan uga didin dacwadda ku salaysan gaaritaanka kursiga siyaasadda. Qodobka ugu wayn ee uu u dajiyay aasaasihii ururka Ikhwaanka Xasan Al-Banaan (Rabi ha u naxariistee )ayaa ahaa “Waa inaan ku wada shaqaynaa inta aan isku raacsanahay, isla markaana aan iskugu cudur daarnaa inta aan isku qilaafsanahay” Qaacidadan ayaa ah mid ku dhisan siyaasad isla markaana kasoo horjeeda qodobada aasaasiga ah ee diinta Islaamka. Waayo ma dhici karto in diinta Islaamka loogu cudur daaro qof qalad ka galaya diinta, ee waa in loo nasteexeeya loona sheega qaladka uu diinta ka galay, haddii uu diidana waa in laga goostaa wadashaqaynta diinta Islaamka. Laakin ururada diintu waxay ku dhaqmaan maanta qaacidadaas oo way u cudur daaraan, wayna la shaqeeyaan qof walba oo diinta Islaamka qalad ka galaya.

Sidaas daraadeed dadka ku xiran casharadda Sh. Max’ed Macalim 90% waxay ahaayeen dariiqooyinkii oo sidooda u wata shirkiyaadkii iyo khuraafaadkii Suufiyadda. Ninkii ugu horeeyay ee aasaasa urur-diineed Somali ah wuxu ahaa wadaad ka tirsan dariiqadda Qaadiriyo faraceeda Sayliciyadda una dhashay beesha Leelkase, magaciisana lagu sheegay Sh. C/kariin. Magaca uu u bixiyay ururkaasna wuxu ahaa Jameeca Islaamiya. Waxa intaas u dheeraa Sh. C/karin wuxu ahaa nin cuna Tubaakadda, wuxuna xubnihii ururkiisa ku kulmin jiray guri uu ka daganaa xaafadda Xamar-Jajab qaybteeda Buur-Karoole. Halkaas oo ay ku xadrayn jireen. Waqtigani waa bilowgii todobaatameyadii, Kacaanka Okboobarna uu ku socdo xowli lixaad leh. Ururka cusub ee Sh. C/karin waxa ka mid ahaa wiil uu adeer u ahaa oo la yiraahdo C/qadir Sh. Max’ud iyo wadaad kale oo la yirahdo Xasan Indhaceel.

Qaybta Saddexaad la soco Barito

 

Qayta 3aad: Silsilada Taariikhda Ururada Diiniga Ah Ee Soomaliya.

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Labadan nin ee dambe C/qadir Sh. Max’ud iyo Xasan Indha-Ceel) ayaa u adkaysan waayay in amiirka Jameecadoodu uu cuno tubaakadda waxayna go’aan ku gaareen inay iyagu qabtaan hogaanka Jameecadda ayna ka saaraan ururka wadaadka Tubaako-Cunka ah, sidii ayayna ku dhaqaaqeen, waxayna dib u habayn wayn ku sameeyeen ururkii cusbaa oo ay u bixiyeen magaca Al-Ahal oo ujeedadiisu ay ahayd in looga dhuunto taliskii shuuciyadda oo aad u la dagaalayay magaca diinta Islaamka, waxana loogu tala galay in marka xubnaha ururku ay is waraysanayaan ay yiraahdaan “ka waran Ahelkii”  oo loo fahmayo reerkaagi, laakin u jeedadu ay tahay ka waran ururkeenii Al-Ahal. Sh. C/qadir Sh. Max’ud wuxu noqday amiirkii Jameecada oo wuxu ku fariistay kursigii adeerkiis Sh. C/karin.

Sh. C/qadir Sh. Max’ud oo soo dhigtay dugsiyadii Talyaaniga una shaqaynayay xiligaas wakaalada xooga korontoda wuxu muujiyay hogaamin loo bogay, wuxuna si wayn iskugu duba riday ururkii Al-Ahal. Wuxu ka ugaarsaday casharkii Sh. Max’ed Macalim wuxuna ururkiisa kusoo daray inta badan dhalinyaradii dhagaysan jirtay casharkaas. Sidoo kale wuxu xooga saaray dugsiyadii Kacaanku uu furay, wuxuna ardaydii iskooladaas ee uu ku daray ururkiisa kusoo xiray casharka Sh. Max’ed Macalim oo aan isagu ka warqabin ururkaas iyo dhaqdhaqaaqa uu wado. Waqtiga quraacda iskoolada waxa ardayda ugu soo celiya casharkii xalay ee Sh. Max’ed wiil ka tirsan ururka Al-Ahal oo iskoolka dhigtay.

Ururka Al-Ahal waxa shardi u ahaa inaan lagu soo darin nin da’ wayn iyo nin cilmi diineed leh toona, sababtuna waxay ahayd waxa hogaanka hayay dhalinyaro yar yar oo aan cilmi lahayn. Haddii uu ururka kusoo biiro nin cilmi leh iyo nin da’ wayna waxa iska cad in hogaamintoodu ay khatar gali lahayd, maadaama amiirka Al-Ahal uusan lahayn cilmi diineed oo sidaas u sii wayn. Waxa ururka Al-Ahal xiligiisii hora mamnuuc ka ahaa kutubta culumada qaarkood sida Shiikhul Islaam Ibnu Taymiya iyo ardaygiisa Ibnu-Qayim Al-Jowsiya iyo kutubta Sh. Max’ed Cabdi Wahaab. Waxaase la ogolaa kutubta culumada Ikhwaanka sida Sayid Khudub, Xasan Al-Banaa iyo Max’ed Khudub.

Xubnaha Al-Ahal waxa la fari jiray inay quraanka akhriyaan oo bishii hal marna ay ku dhameeyaan. Maalinka ugu dambaysa bisha xubnuhu waa inay soomaan, afurkana waxay ku wada cuni jireen hal guri, marka la afuro ayaa Amiirka Jameecadu u khudbayn jiray xubnihiisa, khudbada kadibna waxa lagu soo gabagabayn jiray shirkaas Qasiidooyin xadro ah oo la wada qaado maadaama la wada ahaa dariiqooyinkii Suufiyada iyo Ikhwaankii oo isku jir ah sida aan kor kusoo sheegay.

1975 Sh. Max’ed Macalim waa la xiray oo wuxu galay ololihii balaarnaa ee Kacaanku uu ku dabargoynayay dhaqdhaqaaqyada Islaamiga ah, waana sanadkii la toogtay culumadii diiday xeerkii qoyska ee Kacaanku uu soo bandhigay. Booskii Sh. Max’ed Macalim waxa la fariisiyay oo tafsiir Quraan ka bilaabay Sh. Aadan Sh. C/lahi. Masaajidka Arbaca-Rukun waxa laga xiray Sh Nuur Cali Colow oo isagu ka madaxbanaana ururka Al-Ahal sidan kor kusoo sheegnay. Dacwadiisuna ay ahayd la dagaalanka shirkiyaadka iyo quraafaadka. Ardaydiisuna inta badan way ka madax banaanaayeen xiligaas ururka Al-Ahal waxana ka mid ahaa ardaydiisa Abshir Bacadle, C/raxman-Goobe, iyo C/lahi Afweyne. Booskii Sh. Nuur Cali Calow ee Arbaca-Rukun waxa dowladu u ugolaatay nin la yiraahdo Sh. Iimaankeey oo casharo ka bilaabay, isna hoostiisaa laga shaqaystay oo waxa casharkiisa kusoo celin jiray wiil ka tirsan ururka oo la yiraahdo Muriidi Xaaji Suufi. Madaxdii ururka Al-Ahal iyo culumadii waawaynayd waxay noqdeen wax la xiray iyo wax dalka ka baxsaday.

Amiirkii Al-Ahal Sh. C/qadir Sh. Max’ud wuxu u baxsaday Kenya kadibna Sucuudi ayuu kasii aaday. Howshii ururka waxa la wareegay dhalinyaro iskooley ah oo dardar tii hore kasii badan bilaabay. Xamar waxa madax looga dhigay ururka nin la yiraahdo Cismaan Cabdulle Rooble. Casharka Sh. Aadan Sh. C/lahi sidii kii Sh. Max’ed Macalim ayaa loosoo camiraa dhalinyaradana loogu soo xiraa. Waxa casharka Sh. Aadan markuu dhamaado kusoo celiya wiil ka tirsan ururka xubnaha ururkuna waa u camiraan.

Dadka howsha wada waa dhalin yaro cusub sirdoonka NSS-tuna wali ma baran dhalinyaradaan. Garkii waa la wada xiirtay, intii uu ku yaalay, inta kalana wali umaba soo bixin gar. Maadaama dhalinyaro iskooley ah ay hogaankii dacwada qabteen, ardayda qaarkeed waxay galeen macalimiinta BB-da qaarna shaqadoodii qaran ayay macalimiin noqdeen, waxaana loo kala badalay gobolada dalka oo dhan. Taasina waxay keentay inay gobolada dalka oo dhan gaarsiiyaan ururkii Al-Ahal kuna soo daraan ururka dhalinyaro badan oo gobolada dalka kala daganaa. Wixii jaamacado galay ama shaqooyinka dowladda helayna meeshoodii ayay kasii faafiyeen dacwadii iyo balaarintii ururkii Al-Ahal.

Inta badan ardaydaas waxay yaqaaneen cilmi-dhagood oo tafsiirka Sh. Max’ed Macalim ayay dhagaysan jireen, kooda bartay kitaabka Arbiciinka wuxu ahaa Shiikh wayn oo dadka wacdiya. Tusaale ahaan magaalada Baledweyne waxa loo badalay arday ahaa kalkaaliye caafimaad oo la yiraahdo Aadan Xaaji Xuseen oo ka tirsanaa ururka Al-Ahal. Aadan wuxu dhagaysan jiray tafsiirka Sh. Max’ed Macalim wuxuna aqrin karay kitaabka Arbiciinka. Markii uu tagay Baladweyne wuxu ka noqday Shiikh yeesha arday badan wuxuna halkaas kasoo saaray rag badan oo loo yaqaan culumada Hiiraan, qaarkoodna ay maanta yihiin Iimaamo Masaajid, waxana ka mid ahaa ragaas Sh. C/raxman Sh. Cumar, C/raxmaan Barre, Col. C/samad, Xasan Kaafi, C/raxmaan Cawaale, C/qadir Baledweyne, C/laahi Hiiraan iyo C/qaadir Gabeyre. Ragaan iyaga ah oo arday ahaa qudhooda waxa loo sii kala badalay gobolada dalka oo ay noqdeen iyaguna markooda culumo. Sida C/raxman Barre oo loo badalay Garoowe, Xasan Kaafi oo aaday Burco, C/raxman

 

 

Qaybta 4aad: Silsilada Taariikhda Ururada Diiniga Ah Ee Soomaliya.

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Dacwadii baraaruga sidaas ayay ku faaftay carabka culumo Arbiciinka taqaan, maadaama culumadii waaweynayd Kacaanku u xirxiray. Waxaana halkaas laga dheehan karaa dacwo u dhexaysa faa’ido iyo khasaare. Faa’idadu waa in dhalinyaradii ay ku mashquuleen diinta Islaamka, gabdhihiina la xijaabay, lagana fogaaday fisqigii sida shaleemooyinkii iyo heesihii. Khasaaruhuna waa in dhalinyaradaas Arbiciinka wax ku wacdiya ay isku arkeen culumo waawayn oo ka talin kara mustaqbalka Dalka iyo Diinta. Waana mida keentay in dhalinyaradaas ay ku dhaqaaqaan talaabooyin keenay in dhiiga Soomalida Muslimiinta ah ay farahooda lagalaan.

Culumada aan kor kusoo sheegayna waa kuwa soo saari doona Al-Shabaabka maanta laga wada qayliyay, ee u fiirsada sida sheekadu iskugu xiran tahay. Waxaan gaari doonaa (Haddii Rabi idmo) marka magaca Al-Ahal lagu badalo Al-Itixaad in la furi doono Xafiiska Jihaadka oo noqon doona xafiiska rasmiga ah ee soo saaray xubnaha Al-Shabaab maanta loo yaqaan. Hordhaca xafiiskaasna waqtiga aan hada marayno ayuu bilowday. Xiligaan 1977 waxa ururka Al-Ahal uu go’aan ku gaaray in xubnihiisa qaar uu ku daro ciidamada qalabka sida si ay ugu soo tababartaan xirfadaha ciidanka oo bari ay ugu anfacaan ururka marka uu gaaro xili uu dagaal gali karo ama afgambi uu dalka ku qabsan karo. Xubnihii lagu daray ciidankana waxa ka mid ahaa C/raxman Sh. Cumar, C/samad iyo Xasan Mahdi oo reer Baledweyne ah iyo rag kale. Waxa ragaas uga horeeyay ciidanka Sh. Xasan Daahir Aweys oo isagu iskiis u galay ciidanka kana mid noqday ururka Al-Ahal isagoo askari ah, mase hubo inuu isagu keenay fikradda ah in lagu biro ciidamada, waxaas muuqata inuu ku dhiiri galiyay in lagu biro ciidamada. La soco wax qabadka saraakiishaan marka la gaaro xiliga dagaalka dhamaadka sideetameeyada.

Culayskii Kacaanku aad ayuu ugu batay culumadii da’da yarayd ee waday dacwada baraaruga. Wuxu Kacaanku adeegsaday culumadii Dariiqooyinka Suufiyada oo uu u dhiibay xilalkii wasaarada garsoorka iyo arimaha Diinta waxayna culumadaas dacaayad aad u xoog badan ku fureen dhalinyaradii dacwada waday xiligaas oo aan lahayn awood dhanka aqoonta naxwaha  Carabiga, culumadii ka difaaci lahaydna xabsiga ayaa la dhigay. Ragga weerarka ahaa ee dariiqooyinka Suufiyada waxa hormood u ahaa Sh. Max’ed Guuleed oo gaaray heer uu xirxiro masaajida qaarkood, sida masaajidkii Dumarka ee uu sameeyay Sh. Max’ed Macalim intii aan la xirin ee uu u shaqayn jiray wasaarada Garsoorka iyo Arimaha Diinta. Dumarkii laga xiray masaajidka Dumarka waxay dantu ku qasabtay in guryahooda loogu aqriyo casharada Diinta, mararka qaarkoodna iyaga dhexdooda ayaa la isku diri jiray oo wax isku aqrin jiray maadaama ragga lagu daba jiray.

Ururkii Ka Dhisnaa Waqooyiga Waxdatu Al-Shabaab.

Halkaas urur ee Al-Ahal ayaa ka jiray Koonfurta Somaliya, waanan usoo noqon doonaa Al-Ahal iyo sida uu u xuub-siiban doono. Waxan wax yar ka iftiimin doonaa urur ka dhisnaa Waqooyiga oo la oran jiray Waxdatu Al-Shabaab. Ururkan isaga ah uma nidaamsanayn sida midka ka dhisan Koonfurta ee Al-Ahal, dhaqdhaqaaqiisuna ma badnayn. Waxayse wadaageen labada urur fikirka Al-Ikhwaan Al-Muslimiin oo waxay labaduba ka biyo cabi jireen dalka Masar. Dhalinyarada Waxdadu waxay lee yihiin Maktabad waxayna akharistaan kutubta Ikhwaanka Masar. Raggii ka yimid Koonfurta oo shaqooyinka loogu soo badalay Waqooyiga waxay dhex galeen dhalinyaradii Waxdada waxayna isku dayeen inay ururkoodi Al-Ahal kusoo daraan, waxayse kala kulmeen xooga yar oo iska caabin ah, maadaama urur dhisan ay yihiin, sida caadiga ahna urur kuma biiro urur kale inay midoobaan maahee. Dhalinyaradii Waxdada kuwoodii ugu firfircoonaa waxa lagu casumay Muqdisho si madaxdii Al-Ahal loogu geeyo oo looga soo dhaadhiciyo inay kusoo biiraan Koonfurta. Dhalinta dacwada ka waday Waqooyiga waxa ka mid ahaa C/qadir Xaji Maxud, Xasan C/salan, Ismacil, C/raxman Garweyne, Max’ed Yusuf iyo Mustafa Xaaji Haaruun. Madaxdii Al-Ahal ee Muqdisho waxay ku guulaysteen inay kusoo daraan ururkooda inta badan dhalinyaradii Waqooyiga marka laga reebo Sh. Mustafa Xaaji oo isagu diiday inuu ku biiro Al-Ahal. Sidaasna waxa ku burburay ururkii Waxdatu Al-Shabaab maadaama intii badnay ay ku biireen Al-Ahal.

Sidaas wadanka oo dhan wuxu ku yeeshay hal urur oo ah Al-Ahal uuna u madax yahay Sh. C/qadir Sh. Max’ud oo markaan masaafuris ku jooga Makka, Sacuudiga.

La soco Bari-Dambe. Hada wixi ka bilowda waxan ka dhigi doonaa maqaaladan

 

Qaybta 5aad: Silsiladda Taariikhda Ururada Diiniga Ah Ee Soomaliya.

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Sixitaan Qoraaladii Hore

Inta aanan u galin qaybta afaraad waxan rabaa inaan wax yar ka saxo qaladaad ku jiray qoraaladii hore.

  1. Ururka ugu horeeyay Soomaliya magaciisu ma ahayn Jamaaca Islaamiya ee wuxu ahaa Al-Nahda waxana ku jiray ururkaas inta badan culumo waawayn oo qaybta 5aad aan ku sheegi doono. Marka uu fashilmo Al-Ahal ayuu u xuub-siiban doonaa Jamaaca Islaamiya.
  2. Sh. Max’ed Macalim kama uusan mid ahay Ikhwaanka Dowliga ah ee wuxu ka mid ahaa ururka aan kor ku sheegnay ee Al-Nahda oo ay ku midoobeen culumo waawayn, dhalinyaraduna way ku yarayd ururkaas. Wuxuuse burburay markii uu dhashay Kacaankii 21ka Oktoobar. Ka dibna dhalinyaradii ayaa furtay ururka Al-Ahal.

Qayta 5aad Urur Labaad Oo Samaysmay: Al-Islaax

1977 dagaalkii Itoobiya iyo Soomaliya oo socda, amiirkii Al-Ahalna uu qaxooti ku yahay Sucuudiga ayaa waxa u yimid rag fikir ahaan ay ka midaysnaayeen fikradda Ikhwaanka. Ragaas oo dhigan jiray jaamacadihii Sucuudiga si gooni ahna iskugu xirnaa ayaa waxa ka mid ahaa Dr. Cali-Dheere oo hada madax ka ah Jaamacadda Muqdisho iyo Dr. Max’ed Yusuf waxayna u soo bandhigeen Sh. C/qadir Sh. Max’ud oo amiirka Al-Ahal ah inay midoobaan soona nooleeyaan ururkii burburay ee Al-Nahda ee ay ka mid ahaayeen Sh. Max’ed Macalim Xasan, Sh. Max’ed Garyare, Sh. C/qani iyo culumo kale ayna qaataan magacaas Al-Nahda. Sh. C/qadir waa ku gacan-seyray codsigaas, wuxuna cilad uga dhigay diidmadiisa in culumadaas qaarkood ay qaaliyaal u yihiin dowladda sidaas darteedna aan waxba lagu darsan karin. Fikradda Takfiirka oo uu qaadan doono mardhow ayaa kasoo dhadhamaysa jawaabta Sh. C/qadir, wuxuna iyaga usoo bandhigay inay kusoo biiraan ururkiisa, iyaguna waxay u sheegeen in ururka Al-Ahal laga soo buuxiyo dhalinyaro yar yar oo aan aqoon iyo da’ toona u saaxiib ahayn aysana ku biiri karin, waxayna u sheegeen in haddii guul laga rabo ururkaan la hoos geeyo midkii culumadda. Sh. C/qadir Sh. Max’ud oo aan raali ka ahayn in ururkiisa lagu soo daro qof isaga ka da’ wayn iska daa inuu ku biiro urur kale oo culumo ay hogaaminaysee ayaa albaabka ka xirtay dalabki uga yimid ragaas.

Iyadoo xiisadaas ay taagan tahay, ayaa hadana waxa loosoo bandhigay Sh. C/qadir in ururka Al-Ahal uu ka qayb qaato dhaqaale loo aruurinayo dadka dagan Soomali-Galbeed ee uu saameeyay dagaalka Itoobiya iyo Soomaliya, laakin Sh. C/qadir waa diiday in ururkiisu uu faraha la galo arimaha dagaalkaas dhan walba.

Markii labadaas dhacdo ay dheceen ayaa rag uu hor kacayo Dr. Cali-Dheere waxay u tageen Sh. Max’ed Gar-Yare waxayna halkaas ku dhisteen urur loo bixiyay Al-Islaax oo Amiir looga dhigay Sh. Max’ed Gar-Yare. Labada urur Al-Ahal iyo Al-Islaax waa isku fikir oo labaduba waxay aaminsan yihiin fikradda Al-Ikhwaan Al-Muslimiin oo Masar ayay ka biyo cabaan labaduba, qilaafka kaliya ee u dhexeeya waa inta aan kor kusoo sheegnay. Waqtiga la aasaasay Al-Islaax waa 1978.

Burburkii Al-Ahal Oo Soo Dhawaaday.

Madaama hogaanka Al-Ahal ay hayaan dhalinyaro cilmigoodu yar yahay xubnaha ururkana ay mar walba u kordhayso cilmi iyo da’  waxa soo baxayay mar walba su’aalo la is waydiinayay iyo amardiido dhalinyarada dhexdeeda ah. Waxa la joogaa Sucuudiga, waxaana is qabtay markaan dhalinyaro u bogi waayay qaabka hogaaminta amiirkooda iyo Sh. C/qadir oo amiirkii ururka ah, waxana ka mid ahaa ragas ku dhaga adayga amiirkooda Yuusuf Food-Cadde, C/salam Cismaan C/salaam iyo Max’ed Turki. Wuxuna go’aan ku gaaray Sh. C/qaadir inuu ka saaro ragaas ururkiisa isagoo aan waliba u sheegin inuu ka saaray ururka. Wuxu kaloo amar ku bixiyay Sh. C/qaadir in ragaas aan loo sheegin in laga saaray ururka, isla markaana aan loo sheegin shirarka iyo dhaqdhaqaaqyada ururka oo laga gaabsado warkooda. Iyadoo xaalku uu sidaas yahay ragiina laga goostay xiriirka oo ay layaaban yihiin meel laga soo galay, ayaa waxa Xamar ka yimid nin la yiraahdo Sh. C/salam Sh. Ibraahim (Rabi ha u naxariistee) waxana loo sheegay amarka kasoo baxay amiirka iyo ragga laga saaray ururka. Arinkii ayaa la xumaaday Sh C/salaam wuxuna codsaday in dhalinyarada oo dhan loo balamiyo maadaama uu ka yimid dalkii si uu warbixin u siiyo. Raggii laga saaray ururkana isagaa ugu yeeray goobta lagu balamay. Markii uu warbixinta dhiibay ayuu shirkii ka dhex sheegay in ragaan laga saaray ururka aanana loo sheegin, ficilkaasna uusan ahayn wax wanaagsan. Mudo yar kadibna wuxu dib ugu laabtay Muqdisho iyadoo xaalka dhalinyaradii Sucuudiga joogtay uu aad u kacsan yahay oo qaarkood ay ka bexeen ururkii kuna biireen ururkii cusbaa ee Al-Islaax.  

Dhanka Muqdisho wali ma uusan gaarin kacdoonka ka bilowday Sucuudiga maadaama ragga Soomaliya ay indho xiran yihiin, halka kuwa Sucuudiga joogay ay u furmeen dhagihii iyo indhihiiba. Dhalinyaradii Soomaliya dacwadoodii ayay iska wataan, waxayna isku kala qaybiyeen qaybo badan oo kala ah ardayda, shaqaalaha, macalimiinta, ciidamada. Sirdoonkii dowladdu daba gal ayuu ku hayaa oo qarsoodi ayaa loo shaqeeyaa. Qaybaha loo qaybsan yahay lama ogala inay isbartaan oo ardaydu waxay isku haystaan in ururkaan uu yahay mid ardayda kaligood ay leeyihiin oo qof kale uusan ku jiri. Shaqaaluhu sidoo kale, macalimiintuna sidoo kale. Waxaase jira gudi ka kooba siddeed wiil oo dhalinyaro ah oo wada yaqaana dhamaan qaybaha oo dhan, loomana ogala inay is baraan qaybahaas kala xirxiran. Howsha la wado dacwo kaliya maaha oo waxaa loo diyaar garoobayaa sidii loo afgambin lahaa dowladda. Qaybtii ciidamada waa la kordhiyay diyaargarowgooda. Saraakiishii aan kor kusoo sheegnayna waa bateen, waxana ka mid ahaa Xasan-Mahdi, C/samad C/lahi, C/raxman Sh. Cumar, C/casiis Guureye Kaarshe, Xasan Daahir Aweys (C. Asluubta) Aadan Dhaga-Seyn, Saadaq Eenow, Cali Muuse Ciise iyo rag kale. Wakiilkii amiirka ee Soomaliya Cisman Cabdule Rooble waa la xiray, waxana lagu badalay wakiil cusub oo la yiraahdo Xuseen Cali Xaaji.

Iyadoo halkaas xaalku marayo sannadkii 1978-na uu dhamaad ku dhow yahay ayuu amiirkii ururka Al-Ahal Sh. C/qadir Sh. Max’ud wuxu ku qancay oo qaatay fikirka Takfiirka. Waxaana ku qanciyay fikradaas macalim Masri ah oo Jaamacadaha Sucuudiga midood wax ka dhigi jiray. Macalimkaan ayaa ka mid ahaa xubnihii ururka Ikhwaan Muslimiinka Masar qaybta ku qanacday fikirka Sayid Qudub ee Takfiirinta umadaha Islaamka ah dowladahooda iyo shucuubtaba. Wuxuna macalimkaas muddo yar kahor kasoo baxay xabsigii Jamaal C/naasir madaxweynihii Masar.

Sh. C/qadir Sh. Max’ud markii uu ku qanciyay rag badan oo Sucuudiga la joogay fikirkii Takfiirka ayuu saddex nin u kala diray Soomaliya, Kenya iyo Suudaan si ay xubnihii ururka Al-Ahal oo dhan uga soo dhaadhiciyaan fikradaan Takfiirka ah.

La soco Qaybta 6aad bari dambe intii qof ee qaadatay fikradaan iyo intii diiday xubnihii Al-Ahal.
Wixi talo iyo su’aal ah kusoo dira emailkan:
silsilada@gmail.com

 

Qaybta 6aad: Silsiladda Taariikhda Ururada Diiniga Ah Ee Soomaliya.

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Qaybta 6aad: Ururkii Al-Ahal Intiisa Badan Oo Takfiir Noqday.

Sida aan kusoo sheegnay qaybta 5aad gudoomiyihii Al-Ahal iyo inta badan raggii la joogay Sucuudiga waxay qaateen fikradii Takfiirka, wuxuna saddex nin oo ka tirsan Al-Ahal u kala diray wadamadii ay ku badnaayeen xubnaha Al-Ahal. Soomaliya wuxu u diray C/qaadir Aw-Muuse oo ganacsade ahaa. Kenya wuxu udiray Aadan Dheere oo arday ka ahaa Sucuudiga. Suudaana wuxu u diray Axmed Nuur Carab oo isna arday ka ahaa  Sucuudiga. Labada nin ee loo kala diray Soomaliya iyo Kenya way ku guulaysteen howshii loo diray oo inta badan xubnihii Al-Ahal waxay si fudud ku qaateen fikradii Takfiirka. Ninkii loo diray Suudaan waa ku guuldaraystay, maadaama dhalinyaradii Suudaan joogtay badan kood ay jaamacadaha dhiganayeen oo yaqaaneen in fikrada Takfiirku ay tahay mid qaldan. Soomaliya iyo Kenya khidad fiican ayuu u dagay Sh. C/qadir Sh. Max’ud oo fikirka Takfiirka waxa markii hore lagu shubay dhalinyaradii yaryarayd intii wax aqrinkartay dib ayaa loo dhigay, si aysan dood iyo su’aalo ukeenin, waxayna ka warheleen arinka mar dhalinyaradii oo dhan laga dhigay Takfiir.

Raggii ka tirsanaa Al-Ahal oo diiday inay qaataan Takfiirka waxa ka mid ahaa Sh. Axmed Daahir Aweys, Sh. C/qaadir Cukaasha, Sh. Xasan Daahir Aweys, Sh. Max’ud Ciise Max’ud, Axmed Cali Axmed, C/qaadir Jaziira, Cali Abshir, C/salaam Sh. Ibraahim iyo rag kale oo dhowr ah. Rag uu ka mid yahay Sh. Max’ed Cabdi Daahir waa galeen Takfiirkii laakin kuma daahin oo isla markiiba waa kasoo bexeen, isagaana sabab u ahaa intii kasoo baxday. Dhamaan intii kale xubnihii Al-Ahal waxay galeen Takfiirka. Intii diiday inay galaana waa laga saaray ururkii, waxaana loo bixiyay Tasliimiyiin oo ay ula jeedaan (kuwo Muslim ku magacaaba dad gaalo ah) waxana halkaas ka dhalanaysa in ragga diiday fikirka Takfiirka laftirkooda la gaalaysiiyo. Sidaas ururkii Al-Ahal wuxu isku badalay kuligiis urur Takfiir ah oo ilaa hada wali ka jira Soomaliya haba taagdaraadee.

Fikradii  Takfiirku si xawli ah ayay ugu faaftay Soomaliya oo dhan marka laga reebo Waqooyiga oo raggii loo diray ay usuuroobi wayday inay ku faafiyaan Takfiirkii. Madaxdii hore ee Waxdatu Shabaab waxay ku guulaysteen inay dib usoo nooleeyaan ururkoodii hore, dhalinyaradiina ay kasoo saartaan Al-Ahal, xiligaasna waxaa Amiir u ahaa nin la yiraahdo C/qaadir Xaaji oo loo yaqiinay Garweyne. Halkaas waxa Somaliya ay ku yeelatay saddex urur, Al-Ahal, Al-Islaax iyo Waxdatu Shabaab.

Maxay Aaminsanaayeen Takfiirku? 

Fikradaan Takfiirka oo ah mid soo bilaabatay waqtigii Qaliif Cali Bin-AbiDaalib, waxa bilaabay rag loo bixiyay Khawaarij oo banaystay dhiiga Muqlimiinta. Kuwa waqtigaan ka bilowday Soomaliya ma aysan helin fursad ay kula dagaalamaan Soomalida Muslimiinta ah, laakin waxay ka fogaadeen masaajidii iyo kawaanadii xoolaha lagu qali jiray. Waxay rumaysnaayeen in xoolaha aysan iyagu qalin inaysan cunin, maadaama qofka qalay uu gaal yahay. Waxay kaloo ku dhex faafiyeen dhalinyaradii iyo dumarkii in wadaadka ka aadaama Masaajidka marka uu leeyahay LAA ILAAHA ILALAAH uu la mid yahay wiilka kubada marka uu laado yiraahda “LAA ILAAHA ILALAAH, SIDAAN U LAADAY MA UJEEDEEN” sidaas darteedna aan lagu tukan karin masaajida. Waxay dumarkii Somalida ka dhaadhiciyeen in aabayaashood ay gaalo yihiin, sidaas darteedna aysan mehrin karin, waligoodana aysan ahayn. Sidaasna waxay magaalooyinka ugu guuriyeen gabdho badan oo aabayaashood ay joogaan guryahooda.

Kutubta ay akhrisan jireen oo ay kala soo dhex bexeen fahamkaas waxa ka mid ah Tafsiirka Sayid Qudub ee Dilaal Al-Qur’aan, sidoo kale kutubta Sayid Qudub oo ay ka mid yihiin Macaalim Fi-Dariiq iyo Dariiqu Dacwa Fii-Dilaalul Qur’aan. Kitaab kale oo uu qoray Mowduudi oo la yiraahdo Mustalaxaatul Arbac Fil-Qur’aan.  Sidaasna waxa Muqdisho iyo hareeraheeda si aad ah ugu faafay fikradaas musiibada ku noqotay Somaliya ilaa iyo manta. Raggii diiday inay galaan Takfiirka waxay bilaabeen inay radiyaan fikirkaas, waxayna soo qaateen kutubtii loo diidi jiray markii hore, oo ay qoreen Shiikul Islaam Ibnu-Taymiya iyo ardaygiisa Ibn-Qayim Al-Jowsiya.

Ururkii Afaraad Oo Samaysmay: Al-Jamaaca Al-Islaamiya.

Ragii diiday Takfiirka oo laga saaray Al-Ahal, maadaama ay wali qabaan fikradii Ikhwaanka oo ahayd raadinta kursiga dowladda waxay dhisteen urur cusub oo ay ubixiyeen Jamaaca Islaamiya, (kor ayaan kusoo saxay qaladkii ahaa in Jamaaca Islaamiya ay ugu horaysay ururada, booskoodu waa waqtigaan) waxayna madax ugu dhigeen Sh. Max’ud Ciise. Ururkan cusub wuxu helay fursad aad u wayn maadaama Al-Ahal ay dadkii gaalaysiiyeen, waxay weerar lixaad leh ku qaadeen fikradda Takfiirka waxayna ku guulaysteen inay inta badan dadka uga digaan khatarta Takfiirka ayna kazoo reebaan dhalinyaro farabadan.Casharo waawayn ayay bilaabeen xubnihii ururka cusub ee Jameeca Islaamiya, waxaana hal habeen laba tafsiir ay ka kala bilaabeen labada masjid ee kala ah, Ceel-Hindi oo uu ka bilaabay Sh. Max’ud Ciise tafsiirka suuratul Xujuraat, halka Sh. C/qadir Max’ed Aadan Cukaasha uu ka bilaabay isla suuradaas Masaajika Al-Khadir ee Bakaaraha ku yaalay. Waxayna ugu talagaleen in dhalinyarada lagu soo celiyo masaajidda, maadama