Wahaabiyada Iyo Soomaaliya

Wahaabiyada Iyo Soomaaliya (Qeybtii 1-aad) { 25 Jan 2009} waxaa la daabacay Sun 25 Jan 2009 00: 11: 29 In badan oo ka mid ah umadda Soomaaliyeed ayaa ku jaha wareersan waxa ay tahay xaqiiqada iyo mabaadiida wahaabiyadu, iyagoo u arka, dad diinta u adeegaya. Waxaa ayana jira, in badan oo aaminsan in ay waahaabiyadu u horseedayaan nabad iyo horumar dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Haddaba aan wax yar ku baraarujiyo walaalahayaga soomaaliyeed ee sida fiyow u fakara sida ay u soo bilowmeen, waxa ay aaminsan yihiin iyo ujeeddada wahaabiyiisamka. Waxa kale oo xusid mudan, goormaa ayay Soomaaliya yimaadeen? Maxay ka sameeyeen mudadaas? Iyo waxa ay hadda damacsan yihiin? Anigoon isticmaali doonin dacaayad iyo been abuur. Soo lilaabashadii Wahaabiyada iyo waxa ay aaminsan yihiin Aan ku bilaabee, wuxuu fikirka waxaabigu soo bilowday bartamihii qarnigii 17-naad, markii uu soo baxay ninka lugu magacaabi jiray Mohamed Abdulwahaab, oo ah ninka loogu magac daray wahaabiyada. Mohamed Abdulwahaab wuxuu ku dhashay magaalada Cuyaynah, ee ku taal Najdi sida la sheegay, taariikhdu markay ahayd 1703. Wuxuuna ku barbaaray isla halkaas asaga oo la sheegay in uu yaraantiisii wax ka bartay aabihii Shiikh Abdulwahaab (raxmatullaahi caleyhi), oo ka mid ahaa mashaa’ikhdii madhabka Xanbaliga, ee sida fiican halkaas looga yaqaanay. Wuxuu wax barasho u raadsaday wadankaasi Ciraaq magaalada Basra, kadibna uu ka sii aaday magaalada barakaysan ee Makka iyo Madiina. Muddadii uu ku sugnaa Basra wuxuu ka noqday halkaas nin ku caan baxay muran iyo isku taagga culimada, xattaa culimadii wax bartay asaga, taas oo ka yaabisay muslimiintii halkaa ku dhaqnayd, Waxaana lagu amray inuu isaga baxo magaalada Basra, asagoo markaas u amba baxay halkii uu ka yimid ee Cuyeynah taariikhdu markay ahayd 1740. Sida lagu yaqaan wahaabiyada, wuxuu bilaabay sheekhoodii Mohamed Abdulwahaab, in uu kala shaxaado dadkii halkaa ku noolaa mandaqada, asagoo sheegtay in uu haysto madhabka Imaam Axmed Binu Xambal (raxmatullaahi caleyhi). Wuxuu ku qanciyay inuu la shaqeeyo ninkii magaalada xukumay (Uthman ibn Mu’ammar). Wax yar kadibna wuxuu ka dhaadhiciyay, in ayaga oo kaliya ay yihiin Islaamka saxda ah, aysanna fahmin xaqiiqada tawxiidka, ayna caabudaan qabuuro. Isagoo la kaashanaya (Uthman ibn Mu’ammar) wuxuu amar ku bixiyay in la burburiyo qabuuraha cid kasta oo qadarin mudan, si aan loo ziyaaran amaba suu yiri aan loo caabudin. Nasiib darro waxaa qabrigii koobaad ee la jajabiyo noqday, qabrigii asxaabiga jaliilka ah ee Zayd ibnu Al-khadab oo ay walaala ahaayeen Sayid Cumar ibnu al-khadaab (radiya allaahu canhumaa), kuna shahiiday dagaal ay isaga horyimaadeen musaylimah al kadaab. Waxay arintaasi ka caraysiisay dadkii muslimiinta ahaa ee halkaa dagganaa, ilaa markii dambe ninka la yiraahdo Sulaiman ibn Muhammad ibn Ghurayr, oo ahaa ninka madaxa u ah qabiilkii halkaa ugu badnaa ee bani khaalid uu amar ku bixiyay, in Guddoomiyuhu dilo ninkaa haddii kale uusan sii xukumi doonin magaalada, taas oo ku kaliftay Mohamed Abdulwahaab inuu cararo. Waxaa dabadeed soo dhaweeyay ninka la yiraahdo Mohamed Ibnu Saud, oo ah ninka loogu magac daray waddankaa, ayna ka soo jeedaan boqortooyada xukunta dhulkaa ilaa iyo hadda. Mohamed Ibnu Saud wuxuu madax ka ahaa magaalada Dir’iyya, halkaas oo saldhig u noqotay faafinta waxa uu ugu yeeray cusboonaysiinta towxiidka. Wuxuuna halkaa ka bilaabay Mohamed Abdulwahaab, gaalaysiinta waxa aan raacin asaga, banaysashada dhiigga muslimiinta wixii ka hor yimaada hadafkiisa iyo tirtiridda dadkii aqoonta u lahaa ee ka digayay fitnadiisa. Kadib, labadaa nin waxay kala saxiixdeen in ay wada qabsadaan waddanka Saudi Arabia hadda loo yaqaan, iyagoo garab ka helayay dunida reer galbeedka, gaar ahaan Ingriiska iyo Faransiiska oo ayagu in badan ku taahayay ka takhalusidda dawladdii Islaamka ee Othman Impire, hasa yeeshee u taag waayay. Waxay ku duuleen Makka, Madiina iyo qaybaha kale ee waddankaas, iyagoo dilayay cid kasta oo is hortaagta dhaq-dhaqaaqooda. Waxay kaloo joojiyeen gudashadii howlaha xjka, iyagoo ka hor istaagay umaddii soo xajinaysay, aanna la xajin muddo ilaa sadex sano ah. Waxay dileen kumanaan muslimiin ah oo ay ku jireen imaamyadii masaajidda mua’ddiniintii iyo mashaa’ikhdii diinta dadka halkaa ku bari jirtay. Sidaas ayayna ilaa hadda xulufo ku yihiin reer Mohamed Abdulwahaab iyo reer Mohamed bin Saud. Waxaa digniin xoog leh ka dhiibay waxyaalaha uu waday culimadii islaamka ee xilligaas, oo ay ka mid ahayeen aabbihii shiikh Abdulwahaab, walaakii Shiikh Sulaymaan Abdulwahaab, Zeynu Daxlaani, Tantawi (raxmatulaahi caleyhim) iyo culima kaloo badan, kana qoray kutub badan oo ay oga digayeen fitnadiisa. —- waa socotaa Aadan Maxamed

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s