yaa ah ahlusunna ?

Yaa Ahlusunna wal jamaca ah Qaybtii 3aad { 15 Feb 2009} waxaa la daabacay Sun 15 Feb 2009 08: 02: 38 Waxaan ku guda jirnay casharkeennii taxanaha ahaa ee aan uga hadlaynay yaa hlusunna wal-jamaaca ah qaybtiisii 3aad waxaan cashrradeeennii hore kusoo qaadannay aayado qur’aanka kariimka ah, Axaadiithta Rasuulk CSWS iyo Ijmaaca Imaamyaalka Islaamka. Hadda jawaabta qaybta 3aad ee ah yaa Ah Ahlu sunna wal-Jamaaca ah waxay jawaabteedu noqonysaa cidda sida saxda ah ugu abtirsata salafu saalixa. Arrimaha lagu kala garto waxaa ka mid ah waa in qofku leeyahay meel loo raaco diintiisa, meshaasna Imamyaalka islaamku caddeeyaan inay xaq tahay oo ay tahay dariiqii toosnaa ee ahlu-sunna wal-jamaaca. Qofku markuu dariiqaas xaqa ah haysto ma qarinayo imaamyaalka iyo culammada uu ugu abtirsado diinta islaamka. Laakin haddii qofku bidci yahay oo aanu heysan imaaamyaal xaq ah oo uu ku abtirsado wuxuu ku doodayaa ereyo uu ku khaldayo dadka aan aqoonta u lahayn diinta Islaamka iyo taaariikhda Islaamka. Haddii qof kasta laga yeelayo quraan ayaan aaminsanahay oo aan la xaqiijinayn layskana hubinayn inuu si sax ah u haysto iyo in kale waxaa laga yeeli lahaa: 1. munaafiqiintii diinta ku ganban jirtey oo ilaahay caddeeyey inay ka beensheegayaan iimaanka iyo diinkii ay sheeganayeen قال تعالي : ومن الناس من يقول آمنا بالله وباليوم الآخر وماهم بمومنين يخادعون الله والذين امنوا وماخادعون الا أنفسهم وما يشعرون dadka waxaa ka mid ah kuwa dhahya Ilahay ayaan rumaynay iyo maalinta qiyaamha mana rumayn. Ilaahay ayay dhagrayaan iyo muuminiinta, mana dhagrayaan waxaan naftooda ahayn. Ilaahay wuxuu aayadahan ku caddeeyey inaan munafaqiintan laga yeelayn iimaanka iyo muslimnimada y sheeganayaan ayna ka been shaaegayaan. 2. waxaa lQaalallaahu tacaalaa iyo qaala Rasuulllahi laga yeeli lahaa Bidcadii Quraan aqriska badmnayd sida uu nabiga noogu sheegay axaadiista saxixa ah oo ay ka mid yihiin عن أبي سعيد الخدري قال سمعت رسول الله صلي الله عليه وسلم يقول يخرج فيكم قوم تحقرون صلاتكم مع صلاتهم، وصيامكم مع صيامهم وعملكم مع عملهم يقرءون القرآن لا يجاوز حناجرهم يمرقون من الدين كما يمرق السهم من الرمية الحديث (رواه البخاري ومسلم) واللفظ للبخاري xadiithkan ay weriyeen Bukhaaari iyo Muslim wuxuu Rasuulku CSWS ku caddeeyey in dadka bidcda ihi ay ddka k salaad badanyihiin, ka soom badanyihiin, ka camal fal badanyihiin, Quraankay aqrinayaan haddana anu kalxanyaha dhaafeyn uunadiinku ug baxayo sida gamuunku uga baxo meesha lagu gano. sababta aan bidcdaas ooga aqbalayn quraanka salaadda iyo soomka iyo camal oo dhan waxay tahay ayey diinta islamku leedahay caqiidadooda oo xun iyo diinta oo ay u fairayaan si qaldn يقرؤون القران و يقو لون من قول خير البرية و لا يجا وز إ يما نهم حناجر هم يمرقون من الدين كما يمر ق السهم من الرمية Rasuulka CSWS kuma sheegin bidcada keliya in aan laga yeelayn quranka iyo axaadithta maadaama caqiddadoodu xuntahay wuxuu ku shegay in lacnaddii Ilahay ku dheceyso waayo waxay ka leexdiin dariiqii saxda ah ee diinta lagu fasiray. Sidaas waxaan ku soo ogaannay axaadiithtii saxiixa ahayd ee bukhaari iyo muslim weriyeen. Haddaba marka culammadii hore iyo xarakooyinka gadaal ka yimi la weydiinayo labadinna yaaa ahlu sunna wal-jamaca ah waxaa la weydiinayaa qoladiinnii hore mad’habka aad haysataan ee shaaficiyada mad’habka caqiiddadiinna ee ashcariya iyo dariiqadinna suufiyada soo caddeeya inay ahlu-sunna wal-jamaaca yihiin. Xarakooyinka kalena waxaa la weydiinayaa mad’habka aaad haysataan ee maxammed cabdul wahaab ee wahaabiyada soo caddeya inuu ahlu sunna wal-jamaaca yahay , labada qaybood qaybtii inkirta dariiqada iyo mad’habteeda waxaa la ogaanayaa inay baadil qarinayso oo ay bidca tahay. Annagu waxaan ka jawaaabaynaa su’’aashaas wahaabiyadana waxaaan ka sugaynaa inay ka soo jawaabaan si xaqiiqadu u caddato. ليهلك من هلك عن بينة ويحيي من حي عن بينة hadda qofka si loo ogado inuu ka soo jeedo dariiq xaq ah Mad’habta ama Dariiqada Ama Jamaacada uu sheeganayo waa inay tahay:- ★ Magac Madaraso Diineed; oo anay ahayn magac layskala baxay. ★ Waa in madarasadaas ku abtirsataa Imaam Salafu Saalix ah. ★ Waa in Imamkas Sanadkiisu tixan yahay Ilaa Rasuulka (CSWS). ★ Waa in xaqnimada Imaamkaas sugeen imaamyaalka Salafu-saalixu. Waxaa nasiib wanaag ah in culammadii hore iyo ummadda Soomaaliyeed eee aan weli la duufsan uu Ilaahay (SW) ka yeelay mid buuxisay shuruudaha kor ku qoran; tusaale haddii aan u soo qaadanno abtiriska ummadda Soomaaliyeed ee dhinaca diintu waa sidatan:- ♖ Dhanka Mah-habta: Magaca mad-habteedu waa SHAAFICIYA. Iimaamka madhabta ummadda Soomaaliyeed waa iimaam Shaafici oo xaqnimada Iimaam-nimadiisa la islku raacay xilligii Salafu-Saalixa, kana mid ahaa culumadii Salafka ee Sanadkoodu tixan yahay ilaa Rasuulka (CSWS). ♖ Dhanka Caqiiqada: Waa Ahlu-sunna Wal-jamaaca, oo Ashcariya ah. Magaca Imaamkeeda Caqiidada waa imaam Abul Xasan Al-Ash-cari, oo xaqnimada Iimaam-nimadiisa la islku raacay kana mid ahaa culumadii Salafka ee Sanadkoodu tixan yahay ilaa Rasuulka (CSWS). إن عقيدته إجتمع عليها الشافعية والمالكية والحنفيةوفضلاء الحنابلة ♖ Dhanka Tasawufka: Waa Suufiya Ahlu Dariiqa ah. Magaca Iimaamkeeda Tasawufka waa iimaam Abul Qaasim Al-Junaydi oo xaqnimada Imaam-nimadiisa la isku raacay xilligii Salafu-saalixa, kana mid ahaa culumadii Salafka ee Sanadkoodu tixan yahay ilaa Rasuulka (CSWS). Qaybahaan sare ee Abtiriska diineed ee ummadda Soomaaliyeed, aan xoogaa faallo intaas ka baahsan ka bixinno, si aan u helo faham ka ballaaran inta sare ku xusan ee aadka u kooban. inshaa’allaah Waxaan uga faaloon doonaa sida ay u kala horreeyaan. Waa socotaa …… Wabilaahi Tawfiiq Sh C/razaaq yuusuf Aadan

===========================================

 

Yaa Ah Ahlu Sunnah Wal-jamaacah ? Q.1aad { 21 Jan 2009}
waxaa la daabacay Wed 21 Jan 2009 07: 32: 52
قال الله تعالي : وأن هذا صراطي مستقيما فاتبعوه ولاتتبعواالسبل فتفرق بكم عن سبيله ذلكم وصاكم به لعلكم تتقون Ilaahay (SWT) wuxuu aayaddan quraanka ah ku yiri : kani waa jidkaygii toosnaa ee raaca, hana raacinnina waddooyinka qalloocan si aanay idinkaga kala kaxayn Ilaahay jidkiisa; kaas ayuu Ilaahay idiin dardaarmay, waxaad mudantihiin inaad Ilaahay ka cabsataan. Imaamyaalka Islaamku waxay iskku raaceen in dariiqa toosan ee Ilaahay aayaddan ku sheegay uu yahay dariiqa ay haystaan Ahl-sunna wal-jamaacah, sidoo kale waxay isku raaceen in dariiqa Ilaahay yiri ha raaacina uu yahay dariiqa Gaalada iyo Bidcada.

Sidaas darteed, qofkii bidci noqda laga aqbali mayo camal iyo cibaado kasta oo uu sameeyo, waayo wuxuu qaaday dariiqii qalloocnaa ee uu ka digay Rabbi (SWT)

Xadiith saxiix ah oo ay weriyeen Bukhari iyo Muslim wuxuu Rasuulku CSWS ku yiri :

من أحدث فيها حدثا أو آوي محدثا فعليه لعنة الله والملائكة والناس أجمعين

لا يقبل الله منه صرفا ولا عدلا مـتـفــق عـلـيـه

Qofkii diinta Islaamka ku soo kordhiya bidcannimo ama xiriiriya qof bidci ah, ha ku dhacdo lacnaddii Ilaahay, lacnaddii malaa’ikta iyo lacnaddii dadka oo dhan, Ilahayna ka aqbali maayo waajib iyo sunna midna.

Imaam bukhaari wuxuu si gaara farta ugu fiiqay qofki Bidci kalkaalka ah madaama uu qofkaasi khaldi karo dad aanay bidcadu khaldi karin, taas awgeed Imaam bukhaari wuxuu yiri:

باب إثم من آوي محدثا Baabkan wuxuu ku saabsanyhay danbiga uu leeyahay qofka bidciga xiriiriya.

Bidcigu wuxuu xumaantaas ku mutaystay .

Wuxuu diiday amarkii Ilaahay ee ahaa ولا تتبعوا السبل فتفرق بكم عن سبيل

Wuxuu ku been abuurtay si khaldana u fsiray Qur’aanka kariimka iyo Axadiiithta Rasuulka CSWS Sidaaas darted ayuu rasuulka CSWS xadiith saxiix ah oo muslim iyo abuu Daawuud weriyeen wuxuu bidcada ku yiri :هم شر الخلق والخليقة

Makhluuqa Ilaahay abuuray iyagaa ( Bidcada) ugu shar badan. Imaamyaalka Islaamku waxay sheegeen in Xadiithkan uu caddaynayo in qofka bidciga ihi uu ka sharbadanyahay wax kasta xataa gaalada. Imaamyaalka iyagoo arrintaas caddaynaya waxay yiraahdeen: “Qof kasta wuu garanayaa in gaalku aanu wax shuqul ah ku lahayn diinta Islaamka, lakiin bidcigu wuxuu dadka ku qaldayaa sheegashada diinta Islaamka, taas caddaynteeda ayuu Rasuulka CSWS Xadiith saxiix ah ku yiri :

يدعون إلي كتاب الله وليسوا منه في شيئ

(bidcada ) kitaabbka Ilaahay ayey dadka ugu yeerayaan waxna kama haystaan kitaabka Ilaahay. Rasuulkeenna CSW wuxuu xaddithkan ku cadaynyaa :

In dadka bidcada ah afka uun ka yiraahdaan Kitaabka alle kitaabka alle, dhaqankoduna ka fogyahay shariicada Islaamka.

Xadiis kale oo saxiixa ah wuxuu rasuulka CSWS ku yiri :

يحسنون القيل ويسيؤن الفعلBidcooyinku ) hadalka ayey qurxinayaan ficilkooduna wuu xunyahay.

Macnuhu wuxuu yahay waxay sheegtan inay wanaag samaynayaan , laakiin qofka leh caqli iyo cilmi garasho huwan wuxuu garanayaa in y aad uga fogyihiin wanaagga. Sheegashada wanagga iyadoo xumaan la samaynayo waa camalka kuwa ku ganbada dinta iyagoo aaminsanayn, taas waxaa xaqiiqada noogu filan cadayntii uu rabbi SWT ka bixiyey munaafaqiinta ee ahyd :

وإذا قيل لهم لا تفسدوا في الأرض قالوا إنما أنا مصلحون Haddii lagu yiraahdo arlada ha fasaadina waxay leeyihiin annaga unbaa umaba ah kuwa wax hagaajiya.

Rabbi subxaanahu wa tacaalaa wuu ka diiday sheegashadoodaas beenta ahaa wuxuuna ugu jawaabay:الا إنهم هم المفسدون ولكن لا يشعرون

Haddaba haddii Ilahay SWT iyo Rasuulkiisa CSWS sidaas u caddeeyeen xumaaanta bidcada iyo in aan lag aqbalayn lagana yeelayn quraanka iyo xadiithka ay aqrinayaan qofkii racanaa uu naarta gelayo.

Haddii Ilahay SWT iyo Rasuulkisa CSWS caddeeyeeen in dariiqa uu ka raalli yahay uu yahay dariiqa ay diinka ku faireen ahlu sunna wal jamaaca qofka muslimka waxaa ku waajib ah inuu noqdo ahlu sunna wal-jamaaca, waxaana ka xaaraam ah inuu raaco dadka bidcada ah.

Haddaba, haddii aan usoo daadegno soomaaliya waxaa sanadahan danbe ku soo kordhay dad bidco ah isla markaana haysta fursado ay aad ugu faafiyaan bidcannimadoo laakiin sidi caadada ahayd waxay sheegtaan in iyagu yihin kuwa kaliya ee saxda ah, culammadii hore iyo dadka raacsanna waxay ku sheegaan bidca, kahuraafiyiin, shirki gaalnimo IWM.

Waa laga yaabaa in xarakooyinkani mararka qaar ku hadlaan hadallo sidaaas ka dabacsan oo ay ku kallftay dano markaas jira, waa laga yaabaa inaad ka maqashid cidna gala ku sheegi mayno, dadku waa isku mid, wa laga yaabaa inaad ka maqashid suufiyada ma wada sheegayno qaar ka mid ah ayaan haysanna, waa laga yaabaa inaad ka maqashid iskuma raacsani ummadda wax laga sheegayo IWM.

Lakiin sida xaqiiqada ah sida ugu qoran kitaabbadooda sida ay dhab ahaantana u aaminsanyihiin waa bidcaysiinta iyo gaalaysiinta culammadii hore iyo dadka ku raacsan diinka.

Arrintaas waxay meesha ka saaraysaa dadka yiraahda wax weyn layskuma khilaafsana, dana adduunya ayaa laysku haystaa iwm. hadalladaas waa kuwa aad uga fog xaqiiqada iyo garashada Waayo kutubta wahaabiyada waxaa ku qoran in qofkii ku shakiya gaalnimada suufiyada iyo Ashcariyada uu gaal yahay.

Haddaba waa maxay khilaafka kaas ka weyn maxaa danbe oo la oran lahaa qofka lagu yiri waa gaal qofkii ku shakiya gaalnimadiisa.

Sidaas darted, sax ma aha, xaq ma aha, xalna ma aha in layska indho tiro xaqiiqa cad ilaa heerkaas, waxaa saxiixa oo xaq ah in si cilmi ah loo kala caddeeyo cidda xaqa ah iyo cidda baadilka ah.

Nasiib wanaag waxaa jira arrin muhiim ah oo si fudud loogu kala ogaan karo cidda xaqa ah iyo cidda baadilka ah, arintaasi waxay tahay waxaa jira magic labada kooxoodba ay isla sheegaan inuu xaq yahay laakiin qayb waliba waxay sheegtaan inay iyagu yihiin kuwa ku sifoobay magacaas xaqa ah. Magacaas wuxuu yahay : AHLU SUNNA WAL-JAMAACA.

Marka arrintu wey fududdahay waa in labada qaybood qayb waliba keentaa caddaymaha ay u haysato inay tahay ahlu-sunna wal-jamaaca, aniga hadda waxaan u hadda waxaan u hadlayaa culammadii hore waxaanna caddaynayaa inay iyagu yihiin ahlu-sunna wal-jamaaca. Kuwa baadilka ku sheegayana ay bidca yihiin.

Qaybta kalena waa inay keenaan caddaymaha ay u hayaan inay yihiin ahlu sunna wal-jamaaca. Markaas ayaan ka jawabaynaa sheegashadooda iyaguna ha ka jawaabeen sheegashadayadana kadibna waa in la raacaa ciddii ku xaqiiqawda magacaan laysla wada qiray xaqnimadiisa ee ahlu sunna wal-jamaacah.

Qaybta: 2-aad

Waa socotaa ….

Shekh C.rizaq Yusuf Aadam

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s