DAMACII GUMAYSTADA & DOORKA CULAMAAUDIINKii somaliyeed

DAMACII GUMAYSTADA & DOORKA CULAMAAUDIINKA

 (1)     JIHAADYADA CULAMADA KA HOR QARNIGII 19AAD

Cadowgii Islaamka ee gumeysatadu wuu u dulqaadan waayey nuurkii Islaamka ee marba marka ka dambeysa ku soo kordhayey Geeska Afrika; waxeeyna ugu horayntiiba adeegsadeen dowladii kirishtada ahayd ee Xabashada (Ithopia) ee deriska la ahayd Soomaaliya.

Geesiyadii Soomaaliyeed ee culamaa’udiinku hogaaminiyeen waxeey cadowgaas kala hortageen jihaad naf iyo maalba ah. Jihaadyadaas kuwii ugu muhiimsanaa waxaa ka mid ahaa.

       Sh. Cumar Walasmac.

Shiikh Cumar Walasmac wuxuu ahaa Amiirkii Mu’miniinta ee waqoyiga iyo galbeedka Soomaaliya isla markaana ahaa aasaasihii mamlikooyinkii todobada ahaa ee Ifaat, sida ay caddeeyeen taariikhyahanada uu ka mid yahay Imaam Maqriizi.

Shiikhu wuxuu maamulkiisii dhinaca Zaylac bilowday 608-dii Hijriyada, wuxuuna habeeyey difaacii diinta Islaamka iyo ehelkeeda laga difaacayey boqortooyadii Xabashada (Ethopia) iyo cawaankeeda. Iimaamku wuxuu ka soo hooyey guulo taariikhda galay. Halgankii Imaam Walasmac Culammada hogaamiyeyaasha ah ee halkiisa ka sii wadday waxaa ka mid ahaa:-
·
              Sheekh Xaqu-diin ibnu Amiir Cumar (Xaqu-diinul-awal),
·
              Sabru-diin ibnu-Muxammad.
·
              Xaqu-diin ibnu Axmad, (Xaqu-diinu-saani)
·
              iyo Imaamyaal kale.
       Sh. Sacdu’diin  Ibnu Axmad

Sh. Sacdu-diin Allaha ka raali noqdee ilaa iyo hada waxuu ka mid yahay culamada  waa wayn ee lagu ziyaarto magaaladda Zaylac wuxuuna kaalimaha ugu muhiimsan kaga jiraa Imaamiyaalka Soomaaliyeed ee taariikhda ugu wayn ku leh Geeska Afrika.

Sh. Sacdu- diin dagaalkii ugu adkaa wuxuu gaalada ku qaaday 735 Hijriyada, wuxuuna ahaa ninkii ugu guulaha badnaa ilaa iyo waqtigii Imaam Axmed Ibraahim. 

Sheekh Sacdu-diin waxay kutubta taariikhda ee wax ka qortay ku tilmaamaan inuu ahaa caalim aad ugu wanaagsan diyaarinta khudbadda iyo dhiirra gelinta mujaahidiinta jihaadka loo diyaarinayo.

Waxaa shicaar iyo halku dhigba u ahaa ALLAAHU AKBAR. Marka ciidankiisu Jihaadka geleyaan waxay si jahar ah kor ugu qaadi jireen Suuratul-Caadiyaat. Wuxuu ahaa weli Ilaahay oo Ahlul-kashfi ah ru’yooyinka uu cabbiro waxay noqon jireen kuwa la arko, gaar ahaan kuwa ku saabsan jihaadka. Marka dagaallada luga guulaysto gaalada wuxuu ciidanka iyo dadweynihiisa u qali jirey geel, lo iyo ari uu ku salaynayo Shukri naq uu ku xusayo guusha uu Ilaahay Muslimiinta siiyey. 

Imaamku  waxa kale oo uu caan ku ahaa caddaalad, geesinimo iyo sare u qaadidda himmada ciidammada. Wuxuu ku shihiiday Jasiiradda Sacdu-diin oo isaga loogu magac daray. Wuxuu Allaha ka raalli noqdee ifka ka tegey isagoo sidiisii iyo si ka wayn loo Jecel yahay.

        Sheekh  Sabru-diin

 Jihaadyadii Sheekh Sabru-diin waxay ka mid ahaayeen kuwii ugu muhiimsanaa halgannadii ay culamaa’udiinka Soomaaliyeed hoggaaminayeen. Arrimaha sida wayn loogu xasuusto Sheekh Sabru diin waxaa ka mid ahaa snaddii 758 Hijriyada, oo ku began 1349-tii,  markii uu jihaadyadiisii ka soo hooyey guulo  faraha badan ayuu wusaradiisii ku yiri: “waxaannu jihaadkan ku jirney muddo aad u fara badan sidaas darteed waxaan ku talin lahaa in aan u soo jeesanno hagaajinta maamulka magaalooyinka aan ka talinno”; go;aankaas oo la qaatay.

Sheekh Sabru-diin Allaha ka raalli noqdee markii uu ku guulaystay xasilinta iyo horummarinta dhulkii uu ka talinayey  wuxuu halkiisii ka sii waday jihaadyadii uu ku difaacayey diinta, dadka iyo dalka Soomaaliyeed. Halgannadaasi waxaa ka mid ahaa kuwii dagaalladiisa ugu caansanaa ee uu ku jebiyey qabaa’illadii gaallada loo yiqiinney oo uu ku qabsaday guud ahaan magaalooyinkoodii taariikhdu markay ahayd 1352-dii Miilaadiyada. Waxaa kaloo ka mid ahaa halgammadaas dagaalkii uu ku burburiyey taliskii boqorka Xabashida taariikhdu markay ahayd 1421 Miilaadiyada; waxaana halkaas ku dhintay boqorka Xabashida.

       Sh. Mansuur 

Sheekh Mansuur Sheekh Sacdu-Diin Axmad  wuxuu ku guulaystey in uu noqdo Imaam ay taariikhda Soomaaliyeed iyo tan Muslimiintuba ku xusto inuu caabbiyay jab waynna u gaystey boqorkii Xabashida Isxaaq Daawuud ee xukumayey 1414–1429. Boqor Isxaaq Daawuud wuxuu  caan ku ahaa la dagaallanka Muslimiinta Geeska Afrika. Imaam Mansuur muddadii uu jihaadka wedey wuxuu Xabashidii gumaysi doonka ahayd ka qabsaday dad gaaraya 30,000, waxaana ka Muslimay in ku dhaw 10,000. Arrintani waxay boqorkii Xabashida ee Isxaaq ku qasabtay inuu madaxdii reer yurub u dirsado qoraal uu ku waydiisanayo inay gacan ka siiyaan dagaalka uu kula jiro Imaam Mansuur. Wuxuu dhintay boqor Isxaaq Daawood 1429kii Miilaadiyada isagoon weli jawaabtii gaalada reer Yurub soo gaarin. 

       Sheekh Jamaalu-Diin 

Sheekh Jamaalu-diin binu Sacdu-diin wuxuu muddadii uu xukunka hayey halkii ka sii wedey halgankii uu aabbihii Sacdu-diin ku difaacay diintiita, dadka iyo dalka Islaamka. Guulihii jihaad ee uu Muslimiinta u soo hooyey Sheekh Jamaalu-Diin kasa koow, wuxuu caan ku ahaa Alla ka cabsi, fadli iyo caddaalad oo si dheeraad ah loogu ammaano. Dhacdooyinka sheekh Jamaalu-diin caddaaladdiisa iyo Alla ka cabsigiisa lagu xasuusto waxaa ka mid ahaa:- wiil uu dhalay ayaa wiil kale gacan ka jebiyey markaas ayuu sheekhu isugu yeeray madaxdii iyo wax garadkii. Wuxuu Sheekhu amray madaxda in wiilkiisa lagu ciqaabo qisaas la eg midda uu gaystey. Madaxdii iyo wax garadkii waxay ka codsadeen sheekha inaan wiilkiisa la qisaasin oo aan gacanta laga jebin. Markaas ayuu ka diiday, wuxuuna markii wiilkiisa la qisaasayey ku yiri;

dhedhemi xanuunka jabka sida aad xanuunka u dhedhensiisey walaaalkaaga muslimka ah. Sheekhu xukunka iyo halganka ummadda wuxuu hoggaaminayey 840- ilaa 847-dii Hijriyada;  wuxuuna geeriyoday 1431-dii Miilaadiyada.

       Garaad Aboon

Garaad Abboon Garaad Aadish  wuxuu caan ku ahaa u gar gaarista diinta Islaamka iyo ka hortagga gumaysatada. Arrimaha taarikhdu sida sharafka leh ugu xusto waxaa ka mid ahaa in maamulkiisii uu ka soo dhex baxay caalimkii geesiga ahaa ee Imaam Axmad Ibraahiim oo loo yiqiin Axmad Gureey. Imaam Shahaabu-diin wuxuu kitaabkiisa Futuuxul-Xabasha ku yiri:- Garaad Aboon wuxuu madaxnimda hayey 7- sano; wuxuu u istaagey fulinta xaqa, faritaanka macruufka iyo reebista munkarka; wuxuu baabi’yey burcaddii jidadka goyn jrtey; wuxuu mamnuucay cabitaankii khamriga iyo cayaarihii xuxumaa; waxaa cammirmay magaalooyinkii; wuxuu aad u jeclaa una qadarin jirey Asharaafta, Fuqahada, Suufiyada iyo guud ahaan culamada;  wuxuu  si wanaagsan u hantay maamulkiisii; wuu hagaajiyey dadkii uu xukumayey; waxaana ciidankiisa ka mid ahaa Sh. Axmad Guray.

       Imaam-Axmed Axmed Gurey

Arrintani sida ay ka dheregsan yihiin dadka aqoonta u leh taariikhda Imaam Axmad Ibraahim oo loo yaqaan Axmad Gureey wuxuu ahaa Imaam Suufi ah oo ka mid ah culamada Ahlu sunna Wal-jamaaca ee Soomaaliyeed.

Imaam Axmad Gurey waxaa kitaabbadii Imaamnimadiisii diinta iyo karaamaatkiisii wax ka qoray ka mid ahaa kitaabka Alnuuru-saafir can akhbaaril qarnil caashir oo uu qoray Al-Imaam Shamsu-shumuuus Muxyaddiin Cabdulqaadir ibnu Sheekh Cabdillaahi Al-caydaruusi. Kitaabkani wuxuu ka mid yahay kutubta ugu muhiimsan ee wax ka qortay dhacdooyinka qarnigii 10-aad ee Hijriyada. 

Kitaabku markuu ka faalloonayey Imaam Axmad Gurey wuxuu ku soo qaatay bogga 198, dhacdadii sanaddii 934-dii Hijriyada. Wuxuu sheegay in Imaam Axmad ka mid yahay Awlaaddii Sheekh Sacdu-diin, magaciisa iyo guulihiisuna ay soo weynaanayeen ilaa uu gaarey heer aan laga sheekayn Karin. Wuxuu furtay Imaam Axmed ayuu yiri Kitaabku magaalooyin badan oo ka mid ah magaalooyinka Xabashida, gaaladiina wuu ka adkaaday. Wuxuu joogteeyey jihaadkii iyo duullimaadkii lagu kor yeelayey Ilaahay (SW) diintiisa. 

Waxaa laga soo weriyey jihaadyadiisa ayuu yiri Imaamku wax caqliga ka fajaciya. Qaar ka mid ah culammadii iyo taariikhyahannadii waqtigaas waxay yiraahdeen, ma jiraan futuuxaad ama furashooyin u ekaa oo la mid ahaa futuuxaadkii Imaam Axmed Gurey oo aan ka ahayn futuuxaadkii Asaxaabta. Sidoo kale, waxaa la weriyey ayuu yiri “in geesinnimadii Imaam Axmad Gurey ahayd mid caqliga ka weyn”. Dhammaan jihaadkiisa, akhlaaqdiisa iyo maamulkiisu waxay ku dhisnaayeen Shariicada Islaamka. Wuxuu Qaniimooyinka jihaadka laga helo khumuskeeda siin jirey qaraabada Rasuulka (CSWS). 

Qaar Saalixiinta ka mid ah waxay iyana arkeen ayuu yiri, qudbigii waynaa ee weliga Ilaahay ahaa Al-qudbul- Caydaruus  oo dhahaya: “ha ku magacaabinina suldaan ee ku magacaaba imaamkii muslimiinta”. Imaamka qoray kitaabkan Al-nuuru-saafir ee aanu halkaan ku soo xiganayno wuxuu hadalkiisii ku soo gabagabeeyey: “isku soo duube, Imaam Axmad Gureey Allaha ka raalli noqdee,  wuxuu ka mid yahay aayaatka Ilaahay”. Macnaha wuxuu ka mid yahay cajaa’ibta uu Rabbi (SW) ka muujiyey addoomankiisa xagga geesinnimada, karaamada, hoggaaminta, diin ku dhaqanka, samafalka iyo inta badan qaybaha wanaagga ee   guud ahaan dhaqanka. 

Sheekh Shahaabu-diin Ibnu Cabdil-qaadir kitaabkiisa Al-Futuuxul-Xabasha boggiisa 4-aad markuu Imaam Axmad Gurey ka faalloonayey waxaa hadalladiisii ka mid ahaa:- Imaam Axmad Gureey waa mid ka mid ah Imaamyaalka dadka diinka ku hanuuniya, waana Amiirkii Muminiinta. Skiikh Shahaabu-diin wuxuu kaloo kitaabkiisa Fatuuxul Xabasha ku xusay in Imaamka uu ku magacaabay Al-caarif Billaah, Waliyu-llaah Shamsu-diin Cali ibnu Cumar al-Shaadali uu ku dheeraaday karaamaatka Imaam Axmed Gurey.

Sidoo kale, Skiikh Shahaabu-diin isla kitaabkiisa Futuuxul Xabasha wuxuu ku xusay in Imaamkii uu ku magacaabay Waliyullaahi Tacaalaa Wabnu Waliyihi Muxammad ibnu Axmad ibnu Muxammad ibnu Cabdul-waaxid ibnu Yuusuf Ibnu Yacquub al-Qurashi Al-Tuunusi al-Magribi uu yiri Imaam Axmad Gurey waa  Seef ka mid ah Ilaahay seefihiisa, oo Ilaahay u istaajiyey inuu u gargaaro diinkiisa, gaaladana qahro.”

Sheekh Shahaabu-diin wuxuu isla kitaabkiisan Futuuxul-Xabasha bogga 14aad ku sheegay in sheekh Muxamammad bin Muxammad Al-Dahmaani uu yiri: “anigoo hurdaya ayaan habeen waxaan arkay laba nin oo ka mid ah Ilaahay Awliyadiisa. Mid wuxuu ahaa Sheekh Axmad ibnu Sheekh Muxammad ibnu Sheekh Cabdulwaaxid; kan labaadna wuxuu ahaa sheekhii waynaa ee caarifka Ilaahay ahaa Al-sayid Shariif Abuubakar Ibnu Shaykhil Kabiir Al-Shahiir Cabdullaahi Caydaruus. Labadaas weli waxay yiraahdeen ha ku magacaabinina Suldaan ee ku magacaaba (Axmed Gurey) Imaamul- Muslimiin”.

Sheekh Shahaabu-diin wuxuu kitaabkiisan Futuuxul-Xabasha ku qoray karaamaad badan oo Ilaahay ku karaameeyey weligiisa Imaam Axmad Gurey. Waxaa ka mid ahaa karaamaadkiisii uu xusay:- Shinnida oo dushiisa iyo hareerihiisa soconaysay sidii iyada oo waardiyeynaysa isla markaana aan wax yeellaynayn dadka la socda.

Waxaa ka mid ahaa karaamaatkii Cali ibnu saalax Al-jayli iyo Axmad ibnu Daahir ay ka weriyeen Sacad ibnu Yuusuf oo yiri: habeen habeennada ka mid ah anigoo hurdaya waxaan arkay Nabiga (CSWS) oo uu dhinaca midig ka joogo Abuubakar Al-saddiiq, dhinaca bidixna uu ka joogo Cumar ibnu khaddaab, hortiisana uu taagan yahay Cali ibnu Abii Daalib oo uu hortiisa ka soo jeedo Imaam Axmad ibnu Ibraahim;  markaas ayaan iri Rasuulkii ilaaheeyow waa ayo ninka Cali ibnu Abii Daalib hortiisa taagan? Markaas ayuu Rasuulka (CSWS) yiri waa nin uu Ilaahay ku hagaajinayo magaalooyinka Xabasha.? 

Imaam Axmad (Gurey) waqtigaas wuxuu ahaa nin ka mid ah ciidanka Muslimiinta. Ninka ru’yada arkay ma aanu aqoon Axmad Gurey. Si loo ogaado oo loo arko ninka ruyada lagu arkay ayaa marba mid la tusayey nimankii madaxda ahaa, iyadoo lagu oranayey kan miyaa qofkii aad ru’yada ku aragtay? isaguna ku jawaabayey maya, ilaa uu waqti danbe ka arkay Imaam Axmad Gureey markaas ayuu dadkii magaalada ku yiri “waakan ninkii aan ru’yada ku arkay oo uu Rasuulku (CSWS) ii sheegay inuu islaaxinayo magaalooyinka Xabasha.

Sheekh Shahaabu-diin wuxuu yiri ru’yadiisu run ayay noqotay, Imaam Axmad Gurayna wuu hantay magaalooyinkii Xabasha oo dhan wuuna hagaajiyey. Waxaa iyana jirta in kitaabka la yiraahdo Al-nuuru-saafir uu isna qorayo karaamadaas kor ku xusan.

Axmed Guray jihaadyadiisii ugu muhiimsanaa waxuu gaaladii gumaysatada ahayd ee Xabashida ku qaaday 1529-kii oo uu ku qabsaday meesha layiraado Shembere. Dagaalladiisa kuwii ugu muhiimsanaa waxaa ka mid ahaa Jihaadyadii uu ku qabsaday Darwo,  Shawa , Amhara, Ifa iyo guud ahaan magaalooyinkii gobolada dhexe ee halbowlaha u ahaa boqortooyadii Xabashada.

Intaa kadib, Imaam Axmad Gureey waxuu isla markiiba cagta mariyey magaaladii hooyada u ahayd Kaniisadaha ee Aksom (Axum). Waxay guulahaasi isdaba joog ahaayeen ilaa iyo intii ciidanka Imaamku ka gudbaan harada Taana oo ay ka gaaraan xadka dalka Suudaan; boqorkii Xabashiduna uu noqdo mid ku dhuumaalaysta Buuraha aaggaas. 

Arintaasi waxay Kirishtadii reer Yurub ku qasabtay inay u soo hiilliyaan boqortooyadii Xabashida. Waxaa gurmadkii ugu horreeyey u fidiyay Boortaqiiska oo markaas ugu xoog roonaa dowladaha reer yurub. Ka dib, Boortaqiiska iyo Xabashida weerar wada jir ah ayey ku soo qaadeen Imaam Axmed Guray iyo ciidankiisii. Waxaa halkaas lagu laayey inta badan ciidankii boortaqiiska oo uu ku jiray hogaamiyihii ciidanka boortaqiiska Vosca Gagamma oo uu dhalay Kiristoofar Dagaama, badmareenkii gumaystada ee  caanka ahaa. Imaam Axmed Guray Allaha ka raali noqdee dhaawac waqtigaas gaaray sababtii ayuu u dhintay sanadii 1543-dii

Leave a comment